socota labada dal ee Somaliland iyo Somalia.
Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee ka imanaya Istanbul, waxa halkaa gaadhay wefdiga Somaliland ee uu hogaaminyo Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi wasiiro iyo xildhibaano ah oo ka socda Somalia, balse Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaadho Turkiga si uu uga qaybgalo kulanka wadahadalada.
Kulanka gogol xaadhka u ah wadahalada labada dhinac oo ay gudoominayeen Saraakiil wasaaradda Arrimaha Debeda Turkiga ka socday ayaa lagu magcaabay gudi ka kooban toban xubnood oo metelaya labada dhinac ee Somaliland iyo Somalia, kuwaas oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano, balse dhinaca Somaliland uu xubnaha gudida ku jiro Gudoomiyaha xisbiga Mucardka UCID.
Waxayna xubnaha labada dhinac iyo magacyadoodu ka yihiin sidan:-
Gudida Somaliland
Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar (Guddoomiye)
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirka shaqadda Maxamuud Barre (Garaad)
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe
Gudida Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed (Guddoomiye).
Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sh. C/Qaadir
Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Xubin Baarlamaan.
Maxamuud Xayir Xubin Baarlamaan.
Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaan.