al-shabaab1Somali (Araweelo News)Dhalinyarada Soomalida ee ay ciidamada Dalka Kenya dhowaan kula kacen tacdiga iyo dhibaatada dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Kenya ayaa go’aansaday in ay ku biiraan

 

xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada Somalia.
Daraasiin ka tirsan dhalinyaradaa oo laga soo masaafuriyay dalka Kenya ayaa u galay Al-shabaab, kuwaas oo xeryaha tababarka ee Al-shabaab ku leedahay Somalia looga bilaabay tababar dhinaca Milateriga ah goobo ku yaal badhtamaha iyo Koonfurta Somalia.

Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf oo ku magacdheer (Shan gole), isla markaana ka tirsan saraakiisha sare ee Al –Shabaab, ayaa xaqiijiyay in ay tababar u fureen in ka badan labaataneeyo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa boqolaal qof oo dawlada Kenya kasoo masaafurisay dalkeeda. Kadibna lagu daadiyay magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiray dhalinyaro, Waayeel, Haween iyo Caruur, waxayna qaar ka mid ah dhalinyaradaa u galeen kooxda Al-shabaab sida uu warbaahinta taageerta kooxda Al-shabaab u sheegay Fu’aad Shan Gole.

“Dowladda Kenya waxay dhibaateysay shacabka Soomaaliyeed, ciidanka Kenya waxay ku faanayan dhibaatada ay u geysteen hooyooyinkiin iyo walaalihiin maanta waxaad heysataan fursad aad uga aarsan kartaan”ayuu yidhi Sheekh Fu’aad Shangole oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah dhalinyaradaa sida lagu sheegay weedho laga soo xigtay oo lagu baahiyay warbaahinta taageerta Al-shabaab.
Dhinaca kale hawlagalada ciidamada Kenya ka fuliyeen dhowaan dalkooda ee lagu ururiyay kumanaan dhalinyaro, haween, Odayaal iyo caruur Soomaaliyeed oo ku sugnaa dalkaa, ayaa si weyn usoo jiitay indhaha beesha caalamka iyo Hay’addaha xuquuqda Aadamaha, waxayna Kenya kala kulantay canbaarayn loo jeediyay oo ku waajahnayd qaabka ay ula dhaqantay dadka shacabka Soomaalida ee qoxootiga ku aha dalkeeda, balse Kenya waxay indhaha ka qarsatay dhawaaqyada canbaaraynta ah, waxaana lagu saadaaliyay hawlgalada ciidamada Kenya in abuuri karaan oo keliya cadaawad ay bulshadu Soomaalidu u qaado Kenya  iyo in ay taageero u noqdaan oo keliya hawlgalada kooxda Al-shabaab iyo dagaalka ay kula jirto ciidmada AMISOM oo ay qayb ka yihiin kuwa dalka Kenya oo hawlgalo ka waday gudaha Somalia tan iyo Oct, 2011, balse hawlgaladaa ayaan laga gaadhin natiijo la taabankaro.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *