Dr. Ali MacawHargeysa(Araweelo News Network)Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaqadii ka joojiyay Dr. Cali Macaw oo ah dhakhtar ka yimi dhinaca dalka Britain oo kumanaan qof loo diiwaangeliyay

 

si uu baadhitaan ugu sameeyo.

Hase yeeshee Dhakhtarkaa oo Kahmiistii hawshlo baadhitaan Caafimaad ka bilaabay goob caafimaad oo lagu Magcaabo Xabiiba Xanaan oo ku taal xaafadda shacabka Magaalada Hargeysa ayaa shaqadii laga joojiyay kadib  markii ciidamo Boolis ah goobta yimaadeen, kuwaas oo ku wargeliyay inuu joojiyo shaqada caafimaad ee uu waddo.

Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in shaqada laga joojiyey dhakhtarkaa oo ay sheegeen in aanu soo marin dariiqa sharci ee u yaal dalka Somaliland, isla markaana uu dalka kusoo galay fiise dalxiis ah, balse tigidhada lagu arkayo lacag badan lagaga urursaday dadweyne aad u badan oo reer Somaliland ah, kuwaas oo lagu qiyaasay ilaa laba kun oo qof, isla markaana qofkiiba laga qaaday lacag dhan $40 doollar oo ah Tigidhka lagu arkayo dhakhtarka .

Dhakhtar Macaw ayaa hore loo sheegay mudadii ay socotay iidhehda wargelinta imaatinkiisa inuu joogayo dalka mudo laba todobaad ah, waxaana Tigidhada dadka laga qaaday lacagta kasoo baxday lagu qiyaasay ku dhowaad 80, 000 dollar, balse waxa jira warar sheegaya  in qiimaha tigidhada oo halkii qof ahaa 40 dollar ay dadka qaar dib u iibiyeen oo qiimaha tigidhadaa gaadhsiyeen 60 dolla, taas oo noqonay qiimihii ugu badnaa ee tigidh loo goosto dhakhtar Somaliland oo doonaya inuu adeeg caafimaad ka fuliyo dalka.

Weriyayaal ka socday shebekaddaha Araweelo News Network iyo Arraweelo,com oo saaka booqday goobta Xabiibo xanaan ee loo qorsheeyay inuu ka hawlgalo Dr. Cali Macaw intii aan laga joojin shaqada ayaa kula kulmay qaar ka mid ah dadkii tigidhada u goostay dhakhtarkaa oo ku hungoobay goobtaa oo ku taal xaafadda shacabka Hargeysa iyo koox ciidanka Booliska oo ilaalinaya xaruntaa.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *