Hargeysa(AAN) Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa nin aan saaxada siyaasada Somalia hore ugu jirin, balse si lama filaana uga soo dhexbaxay dhawr iyo labaatan musharax oo isugu jiray shaqsiyaad hore siyaasada ugu jiray,

aqoonyahano ku cusbaa saaxada siyaasada iyo masuuliyiin uu hormood u ahaa Madaxweynihii hore ee dawlada KMG ah, isla markaana dhamaantood u tartamayay doorashada Madaxweynaha Somalia , ayaa natiijadeedu ku dhamaatay ugu danbayntii inuu Madaxweynaha cusub Xasan Sh. Maxamuud aqlabiyad weyn kaga guulaysto wareegii labaad ee doorashada. kadib markii  ay ka hadheen laba ka mid ahaa tartamayaasha usoo gudbay wareega labaad ee doorashada, kuwaas  oo iyagu ka tanaasulay tartanka.
Mr. Xasan Sheekh Maxamuud  Madaxweynaha la doortay, wuxuu ahaa  shaqsi aan  saaxada siyaasada Somalia hore ugu jirin. sidaa awgeed waxay natiijada doorashadu ku noqotay la yaab  dad badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah iyo dunida kale ee la socotay arrimaha Somalia, taas oo  natiijadeedu waxba kama jiraan ka dhigtay wixii ka danbeeyay xiliggaa saadaalo iyo falanqayn lagu odorosayay hogaanka siyaasada Somalia, kuwaas oo aan xataa mar keliya magaciisa lagu xusin. Balse wixii  markaa ka danbeeyay waxay warbaahinta caalamiga ah iyo ta geyiga Soomaaliduba is weydiinayeen su’aalo la xidhiidha hogaamiyaha cusub  iyo sidii ay  rayal caamka bulshadu su’aalaha ay   is weydoiinayaan ee jawaabaha u raadinayaan ugu heli lahaayeen warbaahintu.
Qaar badan oo ka mid ah, ayaa isku deyay inay ugu yaraan gartaan madaxweynaha la doortay muuqaalkiisa iyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen, kuwaas oo wararka iyo macluumaadka ku saabsan kala socday warbaahinta caalamiga ah,  ta maxaliga ah iyo shaashadaha Telefishanada  iyo Internetka .
Somaliland waxay dad badan oo bulshada ka mid ah oo shaashadaha Telefishanada iyo dhinaca ineternetka  kala socdeen doorashadaa iyo natiijadii lama filaanka ahayd ee ay ku dhamaatay, balse waxa markiiba soo baxay in Madaxweynaha cusub ee Somalia marar badan yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoo aanu xiliggaa ku jirin saaxada siyaasada.
la soco dhamaystirka warbixintaa oo xanbaarsan macluumaad badan oo la xidhiidha mawduucaa oo ah mid xiiso badan
What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *