Mr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha la doortay, wuxuu ahaa shaqsi aan saaxada siyaasada Somalia hore ugu jirin. sidaa awgeed waxay natiijada doorashadu ku noqotay la yaab dad badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah iyo dunida kale ee la socotay arrimaha Somalia, taas oo natiijadeedu waxba kama jiraan ka dhigtay wixii ka danbeeyay xiliggaa saadaalo iyo falanqayn lagu odorosayay hogaanka siyaasada Somalia, kuwaas oo aan xataa mar keliya magaciisa lagu xusin. Balse wixii markaa ka danbeeyay waxay warbaahinta caalamiga ah iyo ta geyiga Soomaaliduba is weydiinayeen su’aalo la xidhiidha hogaamiyaha cusub iyo sidii ay rayal caamka bulshadu su’aalaha ay is weydoiinayaan ee jawaabaha u raadinayaan ugu heli lahaayeen warbaahintu.
Qaar badan oo ka mid ah, ayaa isku deyay inay ugu yaraan gartaan madaxweynaha la doortay muuqaalkiisa iyo sidii ay wax uga ogaan lahaayeen, kuwaas oo wararka iyo macluumaadka ku saabsan kala socday warbaahinta caalamiga ah, ta maxaliga ah iyo shaashadaha Telefishanada iyo Internetka .
Somaliland waxay dad badan oo bulshada ka mid ah oo shaashadaha Telefishanada iyo dhinaca ineternetka kala socdeen doorashadaa iyo natiijadii lama filaanka ahayd ee ay ku dhamaatay, balse waxa markiiba soo baxay in Madaxweynaha cusub ee Somalia marar badan yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyadoo aanu xiliggaa ku jirin saaxada siyaasada.
la soco dhamaystirka warbixintaa oo xanbaarsan macluumaad badan oo la xidhiidha mawduucaa oo ah mid xiiso badan
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1