Copenhagen(ANN) Dawladda Denmark ayaa mar kale ku celisay inay danaynayso horumarka nabadgelyada iyo dumuqraadiyada Somaliland, isla markaana ay dhowaan ka furanayso xafiis caasimada Hargeysa, taas qayb ka ah sida ay indhaha ugu hayso Xalladaha kala duwan ee Somaliland. sidaa
awgeed ay kor u qaadayso Xidhiidhka ay la leedahay.Mr. Christian Friis Bach oo ah Wasiirka iskaashiga Horumarinta iyo Isuduwida deeqaha caalamiga ah ee Dalka Denmark oo todobaadkan ka qayb galay kulan dawladda Denmark Magaalada Copenhagen ee dalkeeda kula yeelatay Jaaliyada Soomaalida ayaa lagu weydiiyay Mr. Christian qorshaha dawladooda iyo Somaliland, wuxuuna si cad u sheegay inay Denmark si wanaagsan indhaha ugu hayso Xaallada Somaliland, isla markaana talaabada ugu horeysa ee ay qaadayaan tahay inay xafiis ka furtaan Maglada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.
Mr. Christian oo faahfaahin ka bixiyay halka ay maray hawsha xafiiska ay ka furanayaan Somaliland, ayaa sheegay inay dhowaan diyaariyeen masuulkii xafiiskaa madaxda ka noqon lahaa oo ay raacin doonan masuul sarkaal kaalmeeya, isla markaana waxanu si cad u sheegay in uu ku rajo weyn yahay inay dawladdiisa Denmark ku rajo weyntahay inay xafiiskaa si rasmi ah furato Bisha July ee Sanadkan.
Wasiirka iskaashiga Horumarinta iyo Isuduwida deeqaha caalamiga ah Christian Bach ayaa socdaal ku yimi Hargeysa Dabayaaqadii bishi Jenewary ee Sandkan, isagoo la kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), waxaanu xiligaasi ku dhawaaqay in Magalada Hargeysa ay dawladiisu ka furan doonto Xafiis. Wuxuuna waxyaabaha uu qaban doono xafiiska dawladdiisu ka furanayso Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo waqtigaa sharaxaya yidhi; “Xafiiska aannu Somaliland ka furanayno oo yeelan doona shaqaale joogta ah iyo laba khabiir oo la-taliyeyaal ah waxa uu ka shaqayn doonaa arrimaha ammaanka, caafimaadka iyo dedaalka lagu kobcinayo waxbarashada, annagoo la kaashan doona dawladaha hoose ee la doortay.”
Mr. Christian Booqashadiisa xiligaa ayaa daba socotay booqasho uu Somaliland ku yimi Nov, 2010, Mr. Soren Pind oo ahaa Wasiirkii hore ee Iskaashigga horumarinta caalamiga ah ee dawladda Denmark ee isaga ka horeeyay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com