Dubi(ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa heshiis dhinaca ganacsiga ah la gashay Dekedda Caalamiga ah ee Jebel Ali ee Dalka Imaraadka Carabta. Kadib markii wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ay halkaa tageen todobaadkii hore, iyadoo
Madaxweyne Siilaanyo ay ku kulmeen magaalada Dubai Madaxweynaha dawladda Somalia ee waqtigeedu dhamaanayo.
Sida ay sheegayaan ila wareedyo xog ogaal ah oo laga helay dad ku dhow dhow wefdiga Madaxweynaha Somaliland, ayaa heshiis la saxeexday Shirkadda maamusha Dekeda Jebel Cali ee dalka Imaraadka carabta, heshiiskaas oo dhigaya inay Jebel Cali la wareegto dekedda caalamiga ah ee Berbera.
Xukuumadda Somaliland ayaan wax wara kasoo saarin heshiiskaa iyo nooca uu yahay, balse Xoggaha laga helay heshiiska labada dhinac ee Somaliland iyo Imaraadka, waxa u kala saxeexay Maareeyaha Dekeddaha ee Dalkaas, isla markaana ah masuulka u qaabilsan la-dagaalanka Budhcad Badeeda, iyadoo dhinaca Somaliland uu heshiiskaa u saxeexay Maareeyaha Dekedda Berber Eng: Cali Xoor Xoor oo ka mid ah Weftiga Madaxweyne Siilaanyo.
Dekedda Caalamiga ah ee Jebel Cali, ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay heshiisyo ay kula wareegay dekedo baddan oo dacalada aduunka ah la gashay dalal baddan, kuwaas oo ay maalgashi ku samayso, isla markaana maamulkooda la wareegto, balse waxa loo diiday dekedo ku yaala dalka maraykanka oo ay dhawr sano ka hor doonayeen in maamulkooda lagu wareejiyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com