Berbera(ANN) Gudoomiyaha Iskaashatada Kaluumaysatada Somaliland, (Somaliland fishing association), Yuusuf Maxamuud Maxamed (Canbar), ayaa sheegay inay jiraan carqalado baddan oo haysta kaluumaysatada Somaliland, kuwaas oo haddii xal loo helo wax baddan
ka taraya ka faa’idaysiga khayraadka badda iyo dhinaca shaqo abuurista.
“2009, ayaanu daraasad dhinaca kaluunka ah ka qaadnay xeebaha Somaliland oo dhan, waxaanuna Magaca Iskaashatada Kaluumaysatada Somaliland, (Somaliland fishing association) mudo sadex sanadood ah ayaanu ku shaqynaynay, wuxuuna ka yimi iskaashatooyinkii hore oo isku biiray si aanu Kaluumaysatada Somaliland oo dhan u wada gaadhno Saylac ilaa Ceelaayo, xafiisyada Iskaashataduna way ka furan yihiin Seylac ilaa Maydh Iyo Xiis, wersheda Laasqorayna xidhiidh fiican ayaanu la leenahay.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Iskaashatada Kaluumaystada Somaliland oo warbixin ku siiyay xafiiskiisa magaalada Berbera Tafaftiraha Araweelonews Carraale M Jaamac.
Wuxuuna sheegay inay mudadii xukuumadda cusub bilaabeen dhaqdhaqaaq dhinaca xafiisyada iyo tababarka ah, isla markaana ay xukuumadda Somalialnd labadii sanadood ee ay jiratay u muujisay taageero, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Labadii sanandood ee dawladani jirtay waxa naloo furay xafiisyada oo naloo qalabeeyay oo aanu iska ururino qaadhaan, iyadoo 80 (sideetan) qof oo kaluumaysatada u tababarno xirfada kaluumaysiga oo qalab siino, waqtigana waxaanu gacanta ku haynaa mashruuc balaadhan oo Hay’adda UNDP bixinayso waxa ugu baddan ee aanu ka shaqaynaa waa sidii kaluumaysatada loo horumarin lahaa. waxaana halkan nagu soo booqday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo nagala qaybgalay munaasibad lagu qabtay xafiiskayaga . sidoo kale waxa noogu yimi halkan Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Seylici, Marwada Madaxweynaha iyo wasiiro baddan, waxayna noo muujisay xukuumaddu taageero, Agaasimaha guud ee kaluumiaysiga iyo wasiiradii isaga danbeeyay wasaaradaba waanu u mahadnaqaynaa, iyadoo aanu si gaara ugu mahad celinayno Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo wax baddan nala qabtay intii uu xilka hayayna sadex jeer nagu soo booqday xafiiskan iyo wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi moodaa inay xukuumaddani u dhega nugushahay sidii loo kobcin lahaa Kaluumaysiga iyo khayraadka badda.
Anaga shaqadayadu maaha inaanu wax iibnimo oo macaash doon ma nihin ee kaluumaysada ayaanu ka shaqaynaa tababarkooda iyo xirfadooda sidii kor loogu qaadi lahaa iyo sidii qalab ay u heli alahaayeen, waxaana kaluunka ugu baddan la heeyaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayuu yidhi Gudoomiye Canbar.
Wuxuuna mar uu ka jawaabayay wax soo saarka Kaluunka inay wax iska bedeleen iyo noocyada ka yaraaday xeebaha Somaliland maadaama ay jiraan gaadiid shisheeye oo si tuugo ah uga Kaluumaysta badda somaliland iyo gaadiidkaa intay ka war hayaan, wuxuu yidhi, Yuusuf Canbar “Kaluunku waa laba nooc oo mid wuxuu maraa dusha oo wuu socdaa , midna wuxuu maraa hoosta oo waa kaluunka loo yaqaan deegaanka oo dhaxa hoostiisa ku jira, markaa waxan ku qiyaasi karaa inuu 90% kaluunka deegaanka ahaa yaraaday, laakiin nooca kale ee dusha maraa xiliyada qaarna wuu kordhaa, marna wuu yaraadaa, waxaana dhacda in mararka qaar 6000tn lasoo saaro ee meel lagu kaydiyo la waayaa, waana mushkiladaha ugu waaweyn ee haysta kaluumaystada.
Xukuumaddana waxaan usoo jeedin lahaa in wax laga qabto mushkilada xaalufinta Badda oo inta baddan Doonyaha Kaluumaystada Yaman ka yimaadaa si sharcidaro ah u gurtaan Kaluunkeena. Maraakiibta Masaarida ee hore u guran jirtay xeebahan mudooyinkii u danbaysay way ka maqnaayeen. Laakiin hada waxaanu warka ku haynaa in laba ka mid ahi yimaadaan xeebta saylac .” ayuu yidhi Gudoomiyaha Iskaashatada kaluumaysatada Somaliland Yuusuf Maxamuud Maxamed (Yuusuf Canbar), wuxuuna sheegay in wax soo saarka Kaluunka ay carqalad ku yihiin dadka ganacsatada kaluumaysatada ka iibsada, kuwaas oo sida uu sheegay lagaga iibiyo qiime macquul ah oo aan waxba ku kordhin ilaa markii ay foostada Naaftada ahi ahayd $ 40, dollar oo maanta maraysa ku dhowaad laba boqol oo dollar, iyadoo ilaa xiligaa iyo waqtigan qiimaha kaluunka la siiyo 6000 -7000 S/l sh. halkii kgrm, balse qiimaha ay ku sii iibiyaan dadka bulshada ka iibinayaa carqalad ku yahay inuu kordho isticmaalkiisu, taas oo uu sheegay inay saamayn ku yeelanay wax soo saarkii Kaluumaysatada. Sidaa awgeed loo baahan yahay inay qiimaha ilaaliyaan si wax soo saarka kaluunku u kordho oo isticmaalkiisu u bato.
Gudoomiyaha Iskaashatada kaluumaysatada Somaliland Mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidha mushkilada haysta ee dhinaca kaydka kaluunka ee baahida barafka , halka ay ku danbaysay xarunta Net fish ee ay yaaleen qaboojiyayaasha iyo inay xukuumadda u bandhigeen baahida iyo mushkilada ka haysata kaydka kaluunka, waxa uu yidhi, “ Berberi waxay leedahay laba maxjar oo xoolaha lagu xanaaneeyo, Maxjarkii kaluumaysataduna waa Net fish, wax baddan oo dayactir ahna uma baahna, waxaana ka shaqo geli kara dhawr kun oo qof, markaa ama dawladu ha maamusho, ama ganacsato ha lagu wareejiyee waxa loo baahan yahay in la furo maxjarkaa kaluumaysiga.” Ayuu yidhi.
Wuxuuna sheegay inay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi u mahad celinayaan oo sida uu sheegay u balanqaaday inuu horumarinta kaluumaysiga Miisaaniyada 2012, wax u qoondayn doono, wuxuuna dawladda iyo ganacsatada usoo jeediyay Gudoomiya Iskaashatada kaluumaysatada Somalialnd inay door mihiim ah la qaataan xukuumadda iyo ganacsataduba horumarinta Kaluunka, isagoo yidhi, “ Dawladana waxaan leeyahay Oadayaal la heshiisiinayoba boqolal kun oo dollar ayaa la siiyaa ee Umad dhan ayaa shaqo looga abuuri karaa inta maalin Tuulo lagu bixiyo ee qorshihiina ku darsada sii loo horumarin lahaa kaluumaysiga, ganacsatada waaweyna waxaan leenahay Badda khayraad baddan ayaa ku jiree ka faa’idaysta oo lacagtiina gashada.” Ayuu yidhi Yuusuf Canbar
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com