London(ANN) Dawlada Britain ayaa wada qorshe cusub oo ka kooban hal qodob, kaas oo ah inay baarlamaanka dawladda taagta daran ee Somalia hor geyso mooshin ka kooban hal qodob oo ah inay ogolaadaan in afti qaran laga qaado Somaliland, isla markaana natiijada
kasoo baxda Aftidaa lagu dhaqmo oo la tixgeliyo. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay ilo wareedyo ku sugan London iyo Nairobi.
Wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in dawladda Britain doonayso in lasoo afjaro qadiyada ay Somaliland ku raadinay aqoonsiga caalamiga ah, maadaama ay Somaliland labaatankii sannadood ee u danbeeyay soo martay marxalado kala duwan oo kacaa kuf ah, isla markaana ay tobankii sannadood ee u danbeeyay u gudubtay nidaamka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah oo ay sumcad weyn kaga kasbatay beesha caalamka, halka ay Somalia mujtamaca aduunku ku jaah wareereen. Sidaa awgeed ay waqtigan xaadirka lagama maarmaan tahay in aan indhaha laga qarsan deganaanshaha, horumarka iyo dumuqraadiyada ka hana qaaday Somaliland ee aan ka jirin qaar baddan oo ka mid ah dawladaha la aqoonsan yahay iyo kuwa gobolkaba.
Hase yeeshee dawladda maraykanka oo weli ka caga jiidaysa qorshaha Britain eek u wajahan qadiyada aqoonsiga Somaliland ayaa wada dhinaceeda in la sameeyo xisbiyo cusub oo debeda lagaga dhawaaqo, kuwaas oo ay doonay in loo yagleelo sidii xisbiyadii laga sameeyay dalka Ciraaq, isla markaana shir dib u heshiisiin ah loo qabto Somalia, kaas oo ay kasoo qaybgalaan dawladda taagta daran ee Somalia iyo kooxo aqoonyahano iyo dad kale oo aan shirarkii hore soomaalida loo qabtay laga qayb gelin, iyadoo markaa ka dibna la sameeyo dawlad wadaag ah oo ay ku jiraan dhamaan xisbiyada iyo kooxaha Somalia, taas oo la doonayo inay mudo kooban ku qabato doorasho ka dhacada Somalia. ka dib marka lagu ansixiyo shirkaa dastuurka cusub ee Somalia loo sameeyay.
Xisbiyadaa ayaa qaarkood durba lagaga dhawaaqay Nairobi iyo London, iyadoo xisbi kale oo lagu magcaabo Hiil Qaran ay todobaadkan ku dhawaaqeen Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo koox kale oo uu ka midyahay C/risaaq xaaji Xuseen oo salaaanka siyaasada Somalia ka dhacay dhawr iyo afartan sannadood ka hor.
Dhinaca kale Qorshaha hindisaha dawladda maraykanka ee ahaa in la qabto shir dib u heshiisiineed ka hor inta aanay dhamaan mudada dawladda taagta daran ee Somalia waxa caqabad ku noqday mudo kordhin ay Baarlamaanka Somalia sameeyeen dhowaan, taas oo ka cadhaysiisay dawladaha uu hormoodka u yahay Maraykanku, kuwaas oo dawladda taagta daran ee Sh. Shariif ku khasbay inay baarlamaanka u qorto qoraal ay kaga dalbanay inay dib uga laabtaan go,aankaa, balse baarlamaanka ayaa ku gacan saydhay dalabka sh. Shariif iyo Mr. Farmaajo ee ahaa inay dib u eegaan go’aankii ay muddada ku kordhisteen muddada saddexda sano, isagoo sheegay in xukuumaddu ay sharci ahaan u xilsaaran tahay in dalka ay ka saarto marxaladda kala guurka, sidoo kale-na la tixgeliyo soo jeedinta beesha caalamka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.
Laakiin mar kale ayay maanta kulan ay ku yeesheen masuuliyiinta dawladda taagta darani Muqdisho, iyagoo kulankaa ka dib soo saaray qoraal ay mar kale ku celinayaan baarlamaanka, kaas oo ay ugu sheegayaan in aanay xaq u lahayn talaabada ay qaadeen ee mudo kordhinta, taas oo ay sheegeen marka la eego axdiga dawladda KMG ah inay mudada kala guurka go,aanka dawladu leedahay. Balse baarlamaanka ayaa weli ku adkaysanaya go’aankiisa, iyadoo ay arrimahani muujinayaan khilaaf hor leh oo soo dhexgalay madaxda sare ee dowladda taagta daran ee Somalia, isla markaana guddoomiyaha baarlamaanka ayaa weli ku adkaysanaya go’aankii muddo kordhinta.
Sidoo kale arrimahani waxay iftiiminayaan kala qaybsanaan dhinaca beesha caalamka ah marka la eego arrimaha Somalia iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkilada ka taagan Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com