Buuhoodle(ANN) Malayshiyada nabad-diidka ee taageerada ka haysta maamulka Budhacd-badeeda garoowe ayaa weerar kedis ah kusoo qaaday maanta duhurkii ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan duleedka Buuhoodle ee Qori-lugud. Kadib markii lasii daayay maxaabiistii laga qabtay

 

maalmihii lasoo dhaafay ee ay weerarka kusoo qaadeen ciidanka qaranka Somaliland.

Sidaana waxa shebekada wararka u xaqiijiyay warar laga helay dhinaca fadhiisimada hore ee Ciidanka Qaranka ee duleedka Buuhoodle, wararku ma sheegin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidanka qaranka, isla markaana lama oga ilaa hada inay dhinaca malayshiyada SSC wax khasaare ahi gaadheen. Laakiin  sida ay tibaaxayaan wararka hordhaca ah ee aanu ka helay halkaa malayshiyada ayaa dhawr gaadhi oo Tigniko ah kusoo weeraray fadhiisinka ay ciidanka qaranku dib ugu soo ruqaansadeen ee duleedka Buuhoodle, balse ciidamada Somaliland ayaa kooxdaa baacsaday markii ay tacshiirado rasaas ah ku baaciyeen.

Malayshiyadaa ayaa sida ay warar sheegayaan kusoo noqday fadhiisimadii ay dhowaan ciidanka qaranku ka qabsadeen. Kadib markii wadahadaladii la doonayay in lagu soo afjaro colaada ka aloosnayd halkaa lagu daray inay ciidamada qaranka Somaliland kusoo noqdaan fadhiisimadoodii, isla markaana la sii daayo maxaabiistii laga qabtay kooxdaa iyo in la aasao gebi ahaanba Berkeddihii laga qoday deegaanka Kalshaale, iyadoo ay Xukuumadda Somaliland fulisay dhamaan codsigii dhinaca deegaanka Buuhoodle, balse talaabadan weerarka ee kooxda SSC ayaa noqonay mid waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii iyo waan waantii nabadeed. sidoo kale talaabada weerarka ee kooxda nabad-diidka ayaa iftiiminay in aanay xaalada colaadeed ee ka taaganayd deegaankaa ahayn mid ku koobnayd Berkeddo, balse ay tahay qadiyad siyaasadeed oo ka fog murankii deegaanka Kalshaale iyo saddexdii Berkedood ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Aastay laba maalmood ka hor.

Kooxda nabad-diidka ee  SSC ee taageerada ka haysta maamulka Budhacd-badeeda Faroole ee xaruntiisu tahay garoowe iyo kooxaha Al-shabaab, ayaa  sidoo kale  hubka iyo saanada Milateri ka hela dawladda sida weyn uga dhex muuqata qaska Somalia ee Eretria, isla markaana weerarka hunjuunka noocan ah ayaa noqonaya mid dhabar jebinaya waan waantii iyo wada hadaladii ay Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku cel celisay ee ay ku fulisay qodobadii ay codsadeen odayaasha deegaanka Buuhoodle.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco shebekada Araweelonews.com
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *