Berbera(ANN)Wefti ganacsato u dhashay  dalka Malaysia ayaa booqasho ku yimi Somaliland, kuwaas oo doonaya inay maalgashi ku sameeyaan somaliland. Wefdigaa   oo ka kooban sagaal xubnood ayaa maanta ka soo degay Madaarka Magaalada Berbera.Safiirka Somaliland u fadhiya

wadanka Malaysia C/risaaq Maxamed Maxamuud oo hogaaminayay wefdiga, waxa Madaarka Berbera ku soo dhaweeyey  gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) iyo Masuulliyiin ka tirsan  Wasaaradda Arimaha debeda Somaliland oo uu horkacaayay C/risaaq Xaji Xusseen.

Xubnaha waftiga oo isugu jiray ganacsato Malaysian ah oo qaarkood shuraako la yihiin  muwaadiniinta reer Somaaliland oo  dhaawan  ka hirgeliyay dalka wershedda Hilibka ee xarunta Gobolka togdheer ee Burco,  waxa kale oo weheliyay  xubno  kale oo indha indheynaayay sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen somaaliland.
Wefdiga  ayaa  kormeer kusoo maray intii ay ku sugnaayeen Berbera xarumaha dawlada ee Gobolka saaxil. Sida Dekedda iyo labada Maxjar ee xoolaha waxaana xarumaha  ay marayeen warbixino ku siiyay  masuuliyiinta maamula ka hor intii aanay dhinaca caasimada usoo ambabixin wefdigu.

Xubnaha wefdiga ayaa Kormeerkoodii ugu horeeyay saaka ka bilaabay  Dekedda  magaalada Berbera oo ay doonayaan  in  laga dhoofiyo Hilibka ay samayso wershedu,   iyadoo  koontanaro qaboojiyayaala ku jira lagu qaadayo waxaana halkaa waftiga warbixino la xidhiidha dekedda iyo sida ay ushaqeyso kusiiyay Maareeyaha Dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, isagoo  faah faahin ka siiyay wefdiga adeegyada dekedda iyo habsi u socodka shaqadeeda iyo waliba inay dekedda Berbera u furantay cidkasta oo daneynaysa ama dooneysa in ay xidhiidh ganacsi la sameyso Somaliland.
Sidoo kale waxay xubnaha wefdigu booqdeen maxjarada   xoolaha waxaanay ku nagaaadeen oo warbixino la xidhiidha maxjarka ka qaateen maxjarka caalamiga ah ee  shirkada Indha deero Grooub ee (national quaranten)waxaana halka warbixin dheer ku siiyay maamulaha labourtaryga oo ah dhakhtar masriya waxaanu waftiga usoo badhigay qalabka kala gadisan ee xoolaha lagu caafimaadiyo iyo waliba daawooyinka xoolaha cudurada lagaga talaalo oo talaagado ku xafidan.

Waxaanay ugu danbeyntii waftigu booqdeen xarunta warshada shamiitada ee Berbera waxaana halka warbixin ku siiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali hayste(Ramaax)isaga oo waftiga uga waramay waayaha shaqo ee ay warshadani soo martay iyo wakhtiyadii ay shaqeyn jirtay tonageka ay soo saar jirtay maalintii oo uu ku sheegay(600)lix boqol oo tan oo sibidha maalintiiba.

Dhinac kale waxa isna masuuliyiinta soo dhaweysay umahad celiyay xubin kamida waftiga maleysianka ah oo magiciisa lagu sheegay Cabdi Casiis waxaanu aad ula dhacay sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo qiimaha ay ugu fadhido kadibna waxa ay waftiga iyo xubnihii soo dhaweyntooda Berbera uyimi ay isu soo raaceen dhinaca hargeysa,  halkaas oo ay kulamo la qaadan doonan madaxda xukumadda iyo golayaasha qaranka sida uu sheegay Cabdirisaaq Xaji Xussen.
Dhinaca kale xubnaha ka socday telefishanka Malaysia ayaa iyaguna watay suxufiyiin,  kuwaas  oo muuqaalo iyo waraysiyo ka qaadanaya meelkasta oo ay maraan iyo iyaga oo waraysan doona madaxda ay la kulmaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *