images/stories/gaadiidka loogu deeqay ciidanka badda somaliland.jpg Hargeysa (ANN) Taliyaha Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Cimaan Jibriil Xagar, ayaa maanta 12 Baabuur oo ka mid ahaa 14 Gaadhi oo ay dawladda Ingiriisku ugu deeqday Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ka guddoomay Sarkaal sare oo dhinaca arrimaha Amniga u qaabbilsan Safaaradda Ingiriisku ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
12-kaas Gaadhi ayaa Taliyuhu ku guddoomay kulan lagu qabtay Taliska Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera. “Aad iyo aad baannu ugu mahadnaqaynaa dawladda Ingiriiska iyo Mr. Brown oo ah sarkaal dhinaca arrimaha Amniga ee safaarada Britain xarunteeda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa. Runtii dhibaato badan ayaa naga haysatay xagga qalabka hadday tahay xagga Badda iyo hadday tahay gaadiidka Dhulkaba, wax badan oo dhibaatooyinkii baahiyeed ee aannu qabnay wax badan bay ka tari doonaan gaadiidkani.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Xagar.
Taliyaha ilaalada Xeebaha Somaliland Gen. Cismaan Jibriil Xagar, waxa uu sheegay inay deeqdani hordhac u tahay deeqo kala duwan oo dawladda Ingiriisku ku ballan qaadday inay ku horumarinayso ilaalada Xeebaha Somaliland, kuwaasoo loogu talagalay in lagu sugayo ammaanka guud ahaanba xeebaha dalka iyo la dagaallanka Budhcad-Badeedda Maraakiibta iyo Doonyaha ka qafaasha Biyaha Gacanka.
Dhinaca kale, Sarkaalkan Millatariga Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Addis Ababa ee dawladdiisa, ayaa sheegay in Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland door wayn oo muuqda ka qaataan la dagaallanka Budhcad-Badeedka.
Sarkaal oo arrimahaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi; “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay hadyaddan aannu ilaalada Xeebaha Somaliland ugu deeqnay inaannu maanta idin soo gaadhsiinno, isla markaana si rasmiya idiinku wareejinno, taasoo aannu filayno inay wax tar ka noqonayso deddaalka aad ugu jirtaan adkaynta nabadgalyadda xeebta dheer ee Somaliland.”
Munaasibada Taliyuha ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ku guddoomay gaadiidkaa, waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland, isla markaana Talaabadan Dawlada Britain ugu deeqday Ciidanka gaadiidka ayaa noqonay tii ugu horaysay ee taageero nooceeda ah oo muuqata ay Britain siiso Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, iyadoo ay dawlado ay hormood u tahay Britain si weyn u taageerayeen horumarka dhinaca adeegayada Bulshada ee aasaasiga ah iyo dhinaca geedi socodka Dumuqraadiyada sanadii u danbeeyay.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com