Hargeysa(ANN)Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay laba Nin oo looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha argagixisada. Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyeen saraakiil
ka tirsan hawlwadeenada madaarka Hargeysa. Labadaa Nin ayaa ciidanka amaanku ka qabteen Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport maalintii Jimcihii shalay, kuwaas oo loo taxaabay xaruntunta baadhista denbiyada ee CID.Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya inay labadaa nin xidhiidh la leeyihiin koxaha aragagixisada, balse labadaa Nin oo waqtiga ciidanka amaanku ka qabteen madaarka hargeysa doonayay inay dalka ka baxaan ayaa mid ka mid ahi u dhashay dalka Eretria, halka ka kalena ay wararku sheegayaan inuu kasoo jeedo Koonfurta Somalia ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidanka amaanka ayaa sheegay inay baadhayaan labadaa Nin oo laga shakiyay, isla markaana baadhitaankaa ka dib ama maxkamad la horgeynayo haddii ay baadhista kasoo baxaan waxyaabo cadaynaya inay xidhiidh leeyihiin kooxaha argagixisada haddii kalena xoriyadoodii loo soo celinayo. Dhinaca kale labadaa Nin ayaan ilaa hada si cad loo ogayn meesha ay ka yimaadeen ka hor inta aanay ciidanka amaanku qaban, iyagoo doonayay inay ka dhoofaan halkaa.
wixii kasoo kordha kal soco shebekada wararka ee Araweelonew Mobile
Somaliland Office
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1