breaking News arraweelo,comHargeysa(Araweelo News Network) Ciidamada amaanka Somalilan ayaa la wareegay gebi ahaanba xarunta wargeyska Hubaal ee kasoo baxa Hargeysa.

Tafaftiraha Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) ayaa u xaqiijiyay Arraweelonews in Ciidamada Boolisku la wareegeen xarunta wargeyska, balse aanay ilaa hada cadayn Karin ujeedada loogu soo diray ciidanka Booliska.
Wargeyska Hubaal oo ah wargeyska ugu afdheer wargeysyada kasoo baxa Hargeysa waxa horaantii sanadkan lala beegsaday  dhacdadii foosha xumayd kadib markii weerar 24 April  2013 lagu soo qaaday Xarunta Wargeyska, kaas oo  laba nin oo Afka soo duubtay, isla markaana ku hubaysan Baastoolado iyo Tooriyo goor caweys habeenimo ah soo weerareen xarunta, iyadoo aanay Xukuumadda Somaliland meela u jahayn weerarkaa iyo ciddii ka danbaysay oo aan sharciga la horgayn tan iyo mudadaa oo laga joodo sideed bilood.
Waxaana taa bedelkeeda la xayiray xarunra wargeyska Hubaal, balse Xayiraada Wargeyska Hubaal oo mudo laba bilood ka badan xayirnaa ayaa xukuumaddau suoo celisay 18 August sadex bilood ka hor.
kadi markii Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay dalab ay u gudbiyeen koox suxuyiin ah iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.
arrarweelo.com@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *