Hargeysa(Araweelo News Network) Ciidamada amaanka Somalilan ayaa la wareegay gebi ahaanba xarunta wargeyska Hubaal ee kasoo baxa Hargeysa.
Tafaftiraha Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef) ayaa u xaqiijiyay Arraweelonews in Ciidamada Boolisku la wareegeen xarunta wargeyska, balse aanay ilaa hada cadayn Karin ujeedada loogu soo diray ciidanka Booliska.
Wargeyska Hubaal oo ah wargeyska ugu afdheer wargeysyada kasoo baxa Hargeysa waxa horaantii sanadkan lala beegsaday dhacdadii foosha xumayd kadib markii weerar 24 April 2013 lagu soo qaaday Xarunta Wargeyska, kaas oo laba nin oo Afka soo duubtay, isla markaana ku hubaysan Baastoolado iyo Tooriyo goor caweys habeenimo ah soo weerareen xarunta, iyadoo aanay Xukuumadda Somaliland meela u jahayn weerarkaa iyo ciddii ka danbaysay oo aan sharciga la horgayn tan iyo mudadaa oo laga joodo sideed bilood.
Waxaana taa bedelkeeda la xayiray xarunra wargeyska Hubaal, balse Xayiraada Wargeyska Hubaal oo mudo laba bilood ka badan xayirnaa ayaa xukuumaddau suoo celisay 18 August sadex bilood ka hor.
kadi markii Madaxweynaha Somaliland oo aqbalay dalab ay u gudbiyeen koox suxuyiin ah iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan.
arrarweelo.com@gmail.com