Britain(ANN) Dawlada Britain ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland inay si deg deg ah uga baxaan dalka. kadib markii sida laga soo xigtay dublamaasiyiin ka tirsan xafiiska arrimaha debeda ee Britain ay heleen macluumaad la xidhiidha sida ay suurta gal u tahay
inay kooxaha argagixisadu ku filayaan muwaadiniintoda ku sugan halkaa afduub la xidhiidha arrimo dhaqaale, kuwo siyaasadeed iyo dilal loo bedelo kuwo aragagixiso oo ay suurta gal tahay inay ka dhacaan Somaliland.
Sidoo kale wararka laga soo xigtay xafiiska arrimaha debeda ayaa lagu sheegay in aanay muwaadiniintoodu aanay tegi karin Somaliland ilaa inta ay xaalada wax iska bedelayaan, iyadoo aanay Britain si cad u sheegin xaalada khatarta ah ee gelisay cabsida ay muwaadiniinteeda kagala baxay Somaliland oo ay la hayd xidhiidh dublamaasiyadeed oo taariikhi ah, iyadoo aanay muuqan waxyaabo sabab u noqon kara dhawaaqa dawlada Britain ee ku waajahan nabadgelyada Somaliland oo ah meelaha mandaqada ama aduunka ugu nabadgelyada badan.
Hase yeeshee wararka qaylo dhaanta ah ayaa kusoo beegmay maalmo yar ka dib markii Britain, Germany, Netherland iyo Canada muwaadiniintooda kala baxeen dalka Libiya, iayaga oo ay sheegay inay magaalada Benghazi noqotay dugsiga nacaybka reer galbeedka. Laakiin Somaliland oo ka fayaw falalka argagixisada iyo fowdada ka taagan wadamadaa ma muuqdaan sababo loola xidhiidhiyo wadamadaa qalalaasuhu ka taaganyahay.
sidoo kale dhawaaqan dublamaasiyadeed ayaa kusoo beegmay iyadoo ay xaalad kacsani ka taagatan tahay woqooyiga afrika, isla markaana ay ciidamada Faransiisku dagaal kula jiraan malayshiyada ka dagaalanta dalka Mali ee lala xidhiidhiyay kooxda Al-Qa’ida, isla markaana kacdoonada ka dhacay dalka Masar ee xukunka lagaga tuuray Xusni Mubaarak aanay sal dhigin, iyadoo Madaxweynaha dalka Masar ay dhowaan warbaahinta reer galbeedku shaacisay waraysi uu bixiyay ka hor intii aanu talada dalka ku guulaysan oo uu ku sheegay in aanu aqoonsanayn dalka Israa’il, taas oo cabsi ku abuurtay dalalka reer galbeedka, isla markaana ay xaalada dalka Masar weli ay ka jiraan kacdoono aan la saadaalin karin halka ay caga dhigan doonaan, kuwaas oo laga cabsi qabo inay si sadex xagal ah isgu xidhmaan.
si kastaba ha ahaatee waxa muuqata cabsi soo waajahday wadamada reer galbeedka oo ka cabsi qaba natiijada kacdoonadii ka dhacay dalalka Masar iyo libiya oo aan weli sal dhigin. kadib markii ay kooxo wadaado ah oo lala xidhiidhinayo muslimiinta mayalka adag ay hogaanka u qabteen. sidoo kale waxa laga cabsi qabaa inay dawlada Faransiisku weeraro ku qaado kooxda Al-shabaab oo dhowaan weerar ay ku doonayeen kamaandowsta faransiisku inay kusoo furtaan sarkaal afduub looga haystay ay weji gabax kala kulmeen weerarkaa. kadib markii laba askari oo kuwii weerarka qaaday lagaga dilay, isla markaana kooxda Al-shabaab ay khaarajiyeen ninkii ay afduubka u haysteen.