London(ANN)Guddi dawlada Britain u xil saartay in ay ka talo bixiyaan sidii qaadka dalkeeda laga mamnuuci lahaa, isla markaana ka hor intaan go’aan laga qaadan loo heli lahaa asbaabo la waafajiyo mawqifka laga qaadanayo ayaa la filayaa inay

maalmaha soo socda gudbiyaan warbixin la xidhiidha baadhitaankooda.

Talaabada dawlada Britain ku doonay inay dalkeeda kaga mamnuucdo qaadka ayaa soo baxday sanadkii hore. kadib markii mushkilado badan iyo dhibaato la ogaaday inuu ku hayo dadka isticmaala ee bulshada Soomaalida,Yamanta iyo Ethiopianka. sidoo kale qorshaha Britain qaadka go’aanka kaga qaadanay ayaa daba socday talaabo ay wadamo badan oo ka mid ah Yurub hore ugu mamnuuceen cunista qaadka iyo dalalkooda lasoo geliyo.

Qorshahan dawlada Britain ayaa lala xidhiidhay in sidoo kale dhawaaqyo lagaga dalbanayo joojinta jaadka ay kaga yimaadeen qaar ka tirsan jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Britain, kuwaas oo dhawrkii sanandoo ee u danbeeyay u ololeynayey in qaadka dalka laga joojiyo. Xubnahan ayaa ku dooday inuu qaadku  yahay mid  bulshada Soomaalida dhawaac u geystay, isla markaana u diiday inay Soomaalidu dhexgasho dadyowga kale iyo bulshooyinka ay la noolyihiin, kaas oo gebi ahaanba aan u ogolayn inay wax horumar ah sameeyaan.

Sidoo kale mushkiladaha lala xidhiidhayay Qaadka ayaa kooxaha kasoo horjeedaa ku doodeen inay ka mid yihiin in  uu keeno ama ka qayb ka qaato cudurada ku dhaca madaxa, ama dhimirka, sida waalida iyo isku buuqa.

Baadhis isla gudidani hore u samasay 2005-tii ayay ku soo bandhigeen in cadaymo ku filan waxyeelada qaadka aan lahaynin si loo xakameeyo. Sidoo kale gudidu  waxay sheegtay in aanay jirin wax marag ah oo muujinaya in cunistiisu ku fideyso bulshada. 

In kasta oo aan la hubin talada gudida ee xiligan iyo go’aankooda warbixinta, balse waxaa suurtagal ah in ay soo jeediyaan in gebi ahaanba la mamnuuco qaadka, balse  Go’aanka kama dambeysta ah waxa iska leh dawlada Britain.

Dadka ka soo horjeeda in qaadka la joojiyo ayaa iyagu ku doodaya in arrintani iska horkeeni karto dhilinyarada qaadka cuna iyo booliska dalka Britain, isla markaana ay abuuri karto xiisad aan loo maaro helin oo waxyeesha aminaga dalka.

waxa jira doodo taageero u noqonaya kuwa ku doodaya in aan la joojin qaadka, tusaale ahaan  Khabiir ku takhasuusay waxyaabaha qofka dhaqankiisa bedeli kara oo lagu magaacabo Alex Klein, ayaa u sheegay BBC-da in aanay jirin cadaymo cilmiyeysan oo ka marag kacaya waxyeelada qaadka. sidaa awgeed joojintiisu keeni karto  oo keliya faa’idadaro.

Khabiirka ayaa sidoo kale xusay in haddii Britain qaadato go’aan ah in la joojiyo qaadka uu si tuugo ah dalka ku soo gali doono,  islamrkaana ay abuurmi karaan kooxo qas-wadeen ah oo dambiilyaal ah.

Qiimaha xidhmada jaadka ah ayaa UK ka joogta £3,  halka dalka Holland ay gaadhay £15. Maraykanka ayaa xidhmada jaadka ah lagu kala iibsadaa ilaa £40. waxaana wadamada laga mamnuucay qaarkood weli si tuugo ah u galaa qaadku, iyadoo dadka ka ganacsadaa u adeegsadaan Eyda inay sida dameeraha ugu raraan si ay u dhaafiyaan xuduudaha iyo goobaha kastamada, ama askartu joogto, taas oo kordhisay qiimaha markii hore lagu iibin jiray xidhmadii.

Dhinaca kale waxa soo baxaya xoggo sheegaya in xukuumadda Britain talaabada ay doonay inay ka qaado qaadka iyo go’aankeeda ay dabada ka wadaan wadamo kale, kuwaas oo ay ka mid yihiin dalalka Maraykanka iyo wadamada kale ee Yurub, iyagoo u arka Britain in ay tahay xarun laga soo abaabulo qaadka wadamadooda soo gala. Waxaa intaa dheer, taas oo sii nxoojisay in qaar ka mid ah xubnaha maxaafidka ah ee Xukuumadda Raysal wasaare David Camaron ay hore u balan qaadeen in ay joojinayaan qaadka haddii ay xukunka qabtaan.

Dalka Holland ayaa bishan 5-dii mamnuucay qaadka, iyagoo  sababta ugu weyn ee joojintiisa ku sheegay markii ay ogaadeen in dadka qaadka isticmaalaa yihiin kuwo qaylo badan, isla markaana qashinka qaadka lagu arkay dariiqyada waaweyn ee magaalooyinka ay dadka isticmaalaa ku nool yihiin. sidoo kalena ay ogaadeen in dadka u dhashay dalkooda qaarkood ku biireen dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada, taas oo ay u arkeen inay tahay halis kusoo fool-leh mujtamacooda.

Dalka Holland ayaa hadda ka hor lagu tilmaamay in ay bartilmaameed ka dhigteen qaybo ka mid ah bulshooyinka laga badan yahay ee wadanka markii ay socotay dooda qaadka lagu mamnuucayey.

Dhanka kale  dawlada Kenya  ee meelaha qaadka looga waarido dalalkaa ah ayaa dhankeeda uga ololeynaysa in aan loo joojin qaadka iyada oo ku andacoonaysa in maalaayiin doolar ay ka hesho dhoofinta qaadka,  islamrkaana Beeralayda dalkaasi khasaare soo gaadhi doono haddii ay Britain joojiso qaadka.

Mujtamaca Soomaalida ayaa ah ka ugu badan ee qaadka istcimaala iyada oo dood xoog leh ka socoto Soomaalida dhaxdeeda; si loo xakameeyo saamaynta qaadka ee bulshada, wuxuuna mooshinka la doonayo in qaadka lagu joojiyaa soo gaadhay hada dhinaca Somaliland oo ka mid ah meelaha uu sida weyn bulshada u saameeyay dhaqaale ahaan mujtamac ahaan iyo caafimaad ahaanba, waxaana maalmihii u danbeeyay lagaga dhawaaqay magaalada Burco oo meelaha qaadka sida weyn looga tixgelin jiray ah Urur dhalinyaro oo sheegay in horseed u yihiin sidii qaadka looga joojin lahaa bulshada, taas oo la rumaysan yahay inay kasoo dhexbaxday qaadka soo badanaya ee halista ah ku ah bulshada iyo sida ay usoo kordhay bulshada kasii baxaysa iilka qaadka.
iyadoo taa bedelkeedana ay sii badanayaan dadka dhalinyarada ah ee sii gelaya iilka qaadka, kaas oo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland si xad dhaaf ah usoo gala habeen iyo maalin.

Golaha wakiiladda Somaliland ayaa 2005 markii la doortay waxay wadeen qorshe ay sheegeen inay qaadka faraha badan ee dalka soo gelaya xakamynayaan, isla markaana ka dhigayaan in gelinka hore keliya uu soo galo dalka si dhibaatada qaadka loo yareeyo, balse qorshahaa ayaa noqday waxba kama jiraan, iyadoo la rumaysanyahay inuu qaadku yahay ganacsi awood badan oo samayn ku leh golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda Somaliland, isla markaana ay adagtahay in talaabo laga qaado, ama qorshe loo sameeyo ilaa inta ay bulshada ka imayso inay wax dareemaan dhibaatada qaadka ee dhinaca nolosha caafimaadka, horumarka, dhaqaalaha iyo dhaqanka oo saamayn weyn ku yeeshay.
warbixin By, Carraale M. Jama Freelace Journalist and Human Rights Activist
E-mail jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *