mudaharaadka weriyayshaHargeysa(Araweelo News Network) Ciidamada Booliska Somaliland ee u tababaran sida Milateriga ayaa hareereeyay, kadibna xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah hawlwadeenada Saxaafada oo

 

qayb ka ahaa mudaharaad saaka Saxaafada Madaxa-banaan kusoo bandhigtay tacadiyo hore loogu geystay oo dadkii ku eedaysnaa qaarkood lagu sii daayay damiin.

Suxufiyiinta iyo hawl-wadeenada saxaafadda Somaliland ka hawlgala oo saaka doonayay in ay xukuumadda Somaliland ugu muujiyaan cabashadooda dhinaca cadaaladda iyo gabood-falada loo geystay xoriyarada saxaafadda, isla markaana sitay boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhegyo lagu muujinayo cabashadaa ayaa ciidamadu Booliska ee RRU hareereeyeen, iyagoo xiliggaa doonayay inay cabashadaa la hortagaan qasiraga Madaxtooyadda Somaliland.

Hase yeeshee waxay Ciidamadda Booliska ee sida milateriga u tababaran xooog u adegsadeen mudaharaadka suxufiyiinta, waxayna xabsiga dhigeen afar ka mid ah suxufiyiinta iyo hawl-wadeenada mudaharaadka ka qaybqaatay, kuwaas oo ciidamadda Boolisku ula dhaqhmeen qaab foolxun oo aan waafaqsanayn qaanuunka iyo Dastuurka Somaliland.

Mudaharaadkan waxay saxaafadda Somaliland ku dalbanaysay in sharciga la hor keeno nin ka tirsanaa ciidanka Booliska oo ku eedaysnaa laba Nin oo weerar hubaysan ku qaaday wargeysa Hubaal , kaas sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan xukuumadda Somaliland xabsiga damiin kaga sii daysay.

Wargeyska Hubaal oo ah wargeyska ugu afdheer wargeysyada kasoo baxa Hargeysa waxa horaantii sanadkan lala beegsaday  dhacdadii foosha xumayd kadib markii weerar 24 April  2013 lagu soo qaaday Xarunta Wargeyska, kaas oo  laba nin oo Afka soo duubtay, isla markaana ku hubaysan Baastoolado iyo Tooriyo goor caweys habeenimo ah soo weerareen xarunta, iyadoo aanay Xukuumadda Somaliland meela u jahayn weerarkaa iyo ciddii ka danbaysay oo aan sharciga la horgayn tan iyo mudadaa oo laga joodo sideed bilood.


Halkan Ka Daawo barnamij Arraweelo TV ka diyaarisay arrintaa  Riix

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *