Gebilay (ANN)Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa goor dhaweyd gacanta ku dhigay Nin lagu magcaabo Cawar Xareed oo ka mid ah koox ay Booliska Somliland in baddan baadi goobayeen, isla markaana Xukuumadda Somaliland hore ugu Eedaysay inay ka danbeeyeen jidgooyooyin iyo dilal ka
dhacay xiliyo kala duwan deegaanka Ceel-berdaale ee galbeedka Somaliland oo ay ku nafwaayeen dhawr qof.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Magaaladda Gabilay, ciidanka Booliska ayaa Ninkaa maanta ku soo qabtay Gabilay. Kadib markii ay kooxo ciidanka Booliska USP, ku hareereeyeen isagoo Gurigiisa jooga. Dad goob jooga ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inay Ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen Ninkaa. Kadib qadar daqiiiqado ah oo ay tacshiirado is weydaarsadeen, balse ay gacanta ku dhigeen iyadoo aan wax khasaare ahi dhicin. Ciidanka Booliska ayaa galabta soo gaadhsiiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa , isaga iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa.
Dhinaca kale Taliye Ku xigeenka ciidanka Booliska C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiska CID-da ee magaaladda Hargeysa ku sheegay inay galabta ciidanka booliska Gabilay ay ku guulaysteen hawl-gal ay ku soo qabteen eedaysane Cawar Xareed. waxaanu bogaadiyay oo uu ammaan balaadhan u soo jeediyay ciidankii fuliyay hawl-galkaa.