Nairobi (ANN) Barnaamij Midowga Yurub uu maalgeliyo oo maamullada Soomaaliyeed lagag  taageerayo sameynta nidaam waxbarasho iyo mid tababar oo qaab-dhismeed wanaagsan leh ayaa laga bilaabey Somaliland iyo puntland.

Barnaamijka loo bixiyey The Integrated Capacity Development for Somali Education Administrations (ICDSEA) ayaa waxaa hirgelinaya Wasaaradaha Waxbarashada ee Somaliland iyo Puntland  iyo UNICEF oo ay iskaashanayaan CfBT Education Trust iyo Africa Educational Trust (AET). Marka haddii ay xaaladuhu saamaxaan, waxaa barnaamijka sidoo kale laga bilaabi doonaa Bartamaha-Koonfurta Soomaaliya.  Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxa waxbarashada ee UNICEF Nairobi kaas oo u qornaa sidan

“Barnaamijka ayaa waxaa lagu kobcin doonaa kartida Wasaaradaha Waxbarashada ee dhinacyada qorsheynta, maareynta iyo maaliyadda taas oo qayb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu gaaro hindisayaasha Yoolalka Horumarka ee Kun-sanadka iyo Waxbarasho Loo Dhan Yahay. UNICEF iyo Midowga Yurub oo ay iskaashanayaan la-hawlgalayaashooda ayaa higsanaya in ay xoojiyaan kartida maamullada ee dhinacyada qorsheynta istiraatiijiyadeed, siyaasad dejinta, maareynta shaqaalaha, kobcinta hay’adaha, maareynta maaliyadda, sugidda tayada iyo dhiirrigelinta waxbarashada gabdhaha,” ayaa uu yiri Matthew Olins, oo ah Madaxa Waxbarashada ee UNICEF Somalia.

Markii barnaamijka laga furayey Somaliland iyo Puntland, ayaa Wasaaradaha Waxbarashadu waxa ay ku ballanqaadeen in kheyraadka uu barnaamijku bixiyey ay uga faa’iideysan doonaan si habboon iyo in ay hubinayaan in bulshada la siiyo waxbarasho ka tayo wanaagsan tan hadda jirta.

Dr. Manfred Winnefeld, oo La-taliye dhinaca Farsamada u ah taageerada Midowga Yurub ee waxbarashada Soomaaliya ayaa yiri “Midowga Yurub waxaa uu mashruuca ku maalgelinayaa 5,000,000 Lacagta Yurub ee EURO ah muddo saddex sanadood ah waxaana barnaamijkan uu qayb ka qaadanayaa in la helo Wasaarado Waxbarasho oo firfircoon oo waarana oo gacan ka geysta in waxbarasho tayo leh ay helaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed”.

Dalka Soomaaliya, ayaa nisbooyinka ardayda dhigata dugsiyada iyo heerarka akhris-qoraalka ay ka mid yihiin kuwa ugu hooseeya dunida oo dhan. Nisbada wadarta guud ee ardayda dhigata dugsiyada (boqolleyda ardayda waxbarashada gaartey ee dhigata dugsiyada) ayaa ah 30.7 boqolkiiba iyada oo tan gabdhuhu ay tahay 25 boqolkiiba marka la barbardhigo tan wiilasha oo ah 37 boqolkiiba. Gabdhaha ayaa weli ay dhibaato ka haysataa tegista iyo sii dhigashada dugsiyada iyada oo keliya mid ka mid ah shantii gabdhood ee ka mid ah tirada yar ee gabdhaha dugsiyada ku bilaaba fasalka koowaad ay si buuxda u dhammeysato waxbarashada aasaasiga ah.

Sida uu sheegayo Sahankii ugu dambeeyey ee Waxbarashada Aasaasiga ah ee Soomaaliya ee la sameeyey sanad-dugsiyeedkii 2006/2007, waxaa jira 465,000 oo ardayda dugsiyada aasaasiga ah dhigata, 2,083 dugsiyo aasaasi ah iyo 13,966 macallin, kuwaas oo 75 boqolkiiba ay yihiin macallimiin tababar yar haysta ama aan tababar haysan oo rubuc ka mid ahina ay leeyihiin keliya waxbarasho aasaasiga ah. Midowga Yurub oo taageeraya barnaamijka waxa uu sidoo kale taageerayey kobcinta waxbarashada dugsiyada sare 10kii sano ee la soo dhaafey. Muddadaan, ayaa tirada ardayda dhigata dugsiyada sare ee Somaliland iyo Puntland ay kor u kacdey qiyaastii 450 arday oo ay ahayd 1999 iyada oo gaartey 30,000 sanadkii 2008dii.

DHAMMAAN

Macluumaad dheeri ah kala soo xiriir: Edda Costarelli, Isuduwidda iyo Hubinta Tayada ee Barnaamijka, Ergada Midowga Yurub ee Jamhuuriyadda Kenya – Hawlgalka Soomaaliya. Xafiis: +254 20 280 2102. Email: edda.costarelli@ec.europa.eu.

Iman Morooka, Sarkaalka Wargaarsiinta, UNICEF Somalia. Mobile: +254 714 606 733. Email: imorooka@unicef.org. Robert Kihara, Sarkaalka Wargaarsiinta, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 206 883 Email: rkihara@unicef.org.

(See attached file: SOM_UNICEF-EUPrsRlseFNLde_som.docx)

Robert Kihara, Communication and External Relations Section, UNICEF Somalia. For more information on UNICEF Somalia visit: http://www.unicef.org/somalia +++++++++++++++++++++++ Unite for children
inkasta oo barnaamijaki yahay mid si weyn u muujinaya rajo dhinaca waxbarashada oo ay ku baxayso lacag aad u xadi badani hadan waxa su’aali ka taagan tahay sida uu uga badbaadayo musuqmaasuq inta badan farta lagu fiiqo oo galaafta mashaariicda ay hormoodka ka yihiin hay’adaha gadhwadeenka ka ah mashruucan, balse waxa indhaha lagu hayaa sida qaabka loo maamulo mashruucan iyo in la mariyo halkii ay mareen mashaariic tiro badan oo lacag malaayiin dollar ah sanad kasta lagu bixiyo, kuwaas oo aan habkii loo qorsheeyay u fulin oo inta badan dhexda laga leexsado lacagaha loo qoondeeyo iyadoo bulshadii loogu talo galayna wax ka yar 20% gaadhaan, taas oo iyana maamulada iyo dadka gacanta loo geliyaa sii rifaan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *