images/stories/badhasabka burco.jpg Burco (ANN)Magaalada xarunta gobolka Togdheer ee Burco oo ay maalmihii u danbeeyay hawlgalo ka wadeen Ciidanka amaanku ayaa hawlgaladaa ciidanka Bileyska Gobolku ku qab qabteen ilaa 8 Nin oo lagu tuhusanyahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Koonfurta Somaliya ka dagaalama ee Al-shabaab.
Kooxda lagu qabtay hawlgaladaa oo la dhigay xabsiga dhexe ee magaalada Burco, isla markaana ay weli hay’ada baadhista denbiyada ee CID ku wado baadhitaan ayaa la sheegay in Baadhitaanka ka dib la sheegi doono wixii lagu helay ujeedada qorshohooda iyo wixii ay wadeen.
Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday Badhsaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Muxumed Cabdi oo saaka shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey hawlgalada maalmihii u danbeeyay ay halkaa kawadeen ciidanka Bilayska ee gobolka Togdheer, wuxuuna xusay in la qabtay dad badan, balse sideed ka mid ah dadkaa oo weli baadhistu ku socoto, isla markaana looga shakiyay inay xidhiidh la leeyihiin kooxaha Koonfurta Somalia ay hada ciidanka Bileysku gacanta ku hayaan, waxaana Guddomiyaha Gobolka Yaasin Muxumed Cabdi uu ka warbixiyey hawlaha ay ciidanka Bileysku wadaan oo uu sheegay inay bilaabeen kadib markii dhowaan 2 jawaan oo ay ka buuxan walxaha qarxa laga helay meel ka mid ah koonayasha Magaalada Burco oo lagu aasay, waxaanu sheegay in Bileysku iyagoo arrimahaas daba jooga ay soo qabteen 8da nin ee saaka illa xalay la qabtay.
Badhsaabka gobolka oo saxafaddu wax ka waydiisay goorta ay caddayn doonan danbiga nimankan iyo in la marin doono jidka saxda ah oo maxkamad la hor keeni doono iyo inkale waxa uu ku jawaabay Guddomiyuhu “hawshoodii waxa hadda gacanta ku haya CID da, haddii danbi lagu helona maxkamadda ayaa la hor geyn doona oo wixii sharciya ayaa la marin doonaa” ayu yidhi badhasabku
Kooxahan laga qabtay gudaha magaalada Burco ayaa isugu jira kuwo somaliland u dhashay iyo kuwo koonfurta Somalia dhalashadoodu tahay oo ka yimi muqdisho, waxaana qab qabshadooda si weyn looga dareemay gebi ahaanba magaalada Burco, iyadoo sida badhasaabku shirkiisa jaraaid ku caddeyey raggaasi lagu tuhmay inay gobolka iyo dalka ka wadeen kharbudaad dhinaca amniga ah.
Dhinaca kale Badhasaabka Goblka ayaa kulan ballaadhan la yeeshay NGO yada Local ka ah ee ka hawlgala Gobolka, isagoo sheegay inay kaga wada hadleen ka qayb qaadashada maalinta ololaha nadaafadda Somaliland oo madaxweynuhu ku dhawaaqay shalay, taas oo maalinta Berri ah, laga fulin doono dalka oo dhan shaqaalaha iyo xafiisyada dawladuna ay fasax noqon doonaan, isla markaana ay tahay maalin Holiday ah. Sidoo kale waxuu sheegay in Guddiga Hogaaminaysa hawsha ololaha loogu qaadayo nadaafadda uu Guddomiye u yahay Duqa Degmada Burco Maxamud Axmed Xasan Dhegolaab.
Dhinaca kale Guddomiyaha Gobolku wuxuu raashin mucaawanooyin ah oo wasaaradda Diinta iyo awqaaftu ay soo gaadhsiisay maamulka Gobolka ku wareejiyey Cisbitaalka Guud iyo Cisbitalka dadka waalan ee Maandhaye iyo weliba jeelka weyn ee Burco, waxaana lagu wareejiyey laba gaadhi oo xamuul ah sadexdaa goobood, iyadoo ay kala ahaayeen 1740 Kiish oo isugu jira Bariis, Daqiiq iyo Sonkor, 154 kartoon oo caano ah, 138 kartoon oo saliid ah, iyo 600 kartoon oo basto ah, waxa uu Guddomiyhu ku wareejiyey.
Badhasaabka Gobolka ayaa gebagebadii warbaahinta Baaq uga diray dhammanba shacabka Gobolka iyo kuwa gobolada kale ee Somaliland, isla markaana ku baraarujiyey inay feejignaan dheeraada u yeeshaan cid kasta oo ay uga shakiyaan nabadgelyadooda, waaxanu ku ammaanay dadaalka ay marwalba shacabku ugu jiraan ilaalinta amnigooda, isagoo sheegay in wada shaqaynta shacbiga iyo Bilaysku lagama maarmaan tahay si loo sugo ayuu yidhi amaanka gobolka oo looga wada badbaado khatarta kooxahaa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380