Hargeysa(ANN)Badhasaabka Gobolka Sool Cabdillaahi Jaamac Diiriye, ayaa shaaca ka qaaday in gobolkiisu khatar ugu jiro inuu faraha Somaliland ka baxo, isla markaana u gacangalo kooxaha argagixisada, isagoo xukuumaddana u soo jeediyey inay soo celin karaan ammaanka gobolka, haddii
aanay xukuumaddu xoojin hay’adaha amniga ee gobolka oo aanay u soo dirin khubaro reer Somaaliland ah oo ku xeel-dheer arrimaha sirdoonka waxanu gelaynaa khatar ayuu yidhi.Badhasaabka Gobolka Sool waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey kulan ay shalay Hargeysa isugu yimaaddeen wasiirro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo badhasaabada gobollada dalka, waxa kaloo uu iftiimiyey duruufaha adag ee ku gadaaman gobolkiisa iyo siduu ugu baahan yahay in wax weyn lala qabto, isaga oo wasaaradaha iyo shacabkaba u soo jeediyey wixii talo ah wax lagaga qabanaayo horumarka iyo amniga dadkaas ay soo jeediyaan,
“Gobolka aan anigu joogaa waa gobol ka xasaasisan gobollada Somaliland ee kale, waana gobol ay ku hareeraysan yihiin dhibaato fara badan. Dhibaatooyinka kuwa ugu daran waa kuwa ammaanka oo aannu awal gacanta ku haynay, haddii aannu si wada jir qarankani ugu gurman gobolka Sool, waxa uu ku sugan yahay in uu gacanta ka baxo oo uu gacanta u galo argagixiso, xaqiiqda dhabta ah marka la sheego cid kastoo reer Somaliland ahna waa mid looga baahan yahay, waxaanan idinka soo jeedin lahaa wasiir kasta inuu waqtigiisa siiyo inta uu shaqaalihiisa isugu yeedho yidhaahdo waar bal xaalad gobolkaas ka warama oo wasaaraiddisu talo ahaan isugu soo ururiyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka gobolka ka jira.
Waannu awoodi karnaa inaanu sidiisi ku soo celino ammaanka gobolka, laakiin awood-siin fara badan ayaannu uga baahanahay dawladda dhexe, maamulkiina la daadejiyo ilaa degmooyinka oo awood la siiyo hay’adaha amniga ee gobolka, hay’adaha horumarka gobolka, tashi fara badanbaanu u baahan yahay, waxaanuna u baahan yahay in loo soo diro khubaro sirdoon iyo dembi baadhiseed aqoon dheerna u leh, sidii waxan loo dabagalo, cid kastoo muwaaddinareer Somaliland ahna gobolkani wuu u baahan yahay in wax loo qabto.
Aan kaftamee waxa in badan raggu sheegtaa mujaahidiin oo magacaas ayeynu ku wada dhanahay gobolkan ha lagu jihaado ayaan leeyahay anigu oo horumarka iyo caafimaadkiisa wax weyn ha lala qabto,” ayuu yidhi Badhasaabku.
Mr.Cabdillaahi Jaamac Diiriye, waxa uu tacsi u diray Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool ee dhawaan dablayda hubaysan ku toogteen magaalada Laascaanood, “Waxaan tacsi marka horre u dirayaa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Geelle. Wuxuu ahaa sarkaal shaqo qaran ku jira, gacan ka xaqdarranbaa dishay, markii la dilayna waxa uu ka soo baxay masaajid, waana mid inoo wada taal sidii aynu waxa uga qaban lahayn arrimahaasi, hadday gole Guurti tahay, hadday gole Wakiillo tahay, gole Wasiir hadday tahay iyo shacaba.”
Mr. Cabdillaahi Jaamac Diiriye, waxa uu ballanqaaday inay la shaqayn doonaan wasaaradaha kala duwan ee dalka, isagoo wasaaradahana u soo jeediyey inay la shaqeeyaan. Waxa uu intaas ku daray inaanay kaaliyayaasha wasaaradaha gobolka u joogaa aanay la shaqayn, isla markaana aamminsan yihiin inaanay xukumin Badhasaabaddu, “Haddaannu Badhasaabadda Gobolka Sool nahay waxaannu idiin ballanqaadaynaa inaanu wasaaradaha la shaqayno, xilka qaranka ee na saarana gudano, idinkana waxaannu idinka rabnaa inaad nala shaqaysaan oo isuduwayaasha wasaaradaha ma aamminsan inaanaan xukuminno, isla markaana waxa dhacda waxyaabo aanaan ogayn oo ay isku duwayaashu sameeyeen, waxaanay noo yimaadaan markay dan naga leeyihiin oo qudha. Isu-duwayaashuna ma laha xafiis iyo gunno toona, haddii khalad uu galo Isu-duwuhu oo warbixin laga soo qoro waxa uu xumeeyey amma uu khalday wasiirradu kaaga soo jawaabi mayaan,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.
Waa markii u horreysay ee Badhasaabka Gobolka Sool si faahfaahsan uga hadlo dhibaatooyinka iyo caqabadaha dul-hogganaya gobolka, rasmi ahna uga digo khatarta gobolku ku sugan yahay, iyadoo labadii todobaad ee u danbeeyay xarunta gobolka sool lagu dilay taliyihii sirdooonka iyo guddoomiyihii maxkamada gobolka, isla markaana aanay jirin cid loo hayo shirqoolada dilalka ah ee lagu ugaadhsanayo masuuliyiinta gobolka. waxayna dilalka labadaa sarkaal ee ugu danbeeyay noqonayaan saddexdii sannadood ee u danbeeyay tirada masuuliyiinta lagu dilay 11 masuu, kuwaas oo aan la hayn ciddii ka fulisay, marka laga reebo taliyihii qaybta 12aad ee ciidanka qaranka oo lagu dilay shirqool qarax, kaas oo loo qabtay dad badan oo qaarkood la xukumay.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com