Muqdisho(ANN)Fadhigii maanta ee Baarlammaanka Dawladda taagta daran ee ku meel-gaadhka ah oo la filayay in codka kalsoonida loogu qaado Raysal wasaaraha cusub Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaarjo) .ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa fashilmay,
ka dib markii mudanayaashu isku af garan waayeen qaabka loo marayo codka la qaadayo.
Fadhiga maanta oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxa hadheeyay muran iyo buuq ayaa ka dhashay aragtiyaha u dhexeeya xildhibananada ee la xidhiidha qaabka codkaloogu qaadayo Raysal Wasaaraha cusb Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaarjo), oo ay mudanayaashu ku kala aragti duwanaayeen
Qaar ka mid ah xildhibannada, ayaa soo jeediyay in qaabka codka lgu qaadayo Raysal wasaaruhu noqdo mid qarsoodi ah, halka koox kale oo ka soo horjeedaana ku doodayeen in laga dhigo gacan taag, taas oo sabab u noqotay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Axmed uu ku dhawaaqo in goluhu xidhanyahay, islamarkaana maalinta sabtida laysugu soo noqon doono.
Madaxweynaha Dowladda taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa 14, Oct 2010 u magcaabay Raysal Wasaaraha Cusub Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaarjo), taas oo ka cadhaysiisay maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo uu kasoo jeeday Raysal wasaaare C/rashaiid sharmarke oo xilkaa iska casilay 21, Sep 2010. Kadib markii muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Shariif uu hadheeyay dawlada taagta daran ee ay kooxaha kasoo horjeeda dagaalada kula jiraan. Sidoo kale magcaabista Raysal wasaaraha cusub ee maanta Baarlamanka Somlia isku khilaafay ansixintiisa, waxa quudaraynayay kooxo badan oo ay ku jiraan wadaadada Ahlusuna wal jameeca.
Lama sadaalin karo in maalinta sabtida haddii qabsoomo kulanka Baarlamaanku ay ansixiyaan Raysal Wasaaraha cusub Mr. Maxamed Farmaarjo, balse waxa socda dedaalo Madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha Baarlamaanku ku doonayaan in la nasixiyo raysal wasaaraha cusub.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380