Muqdisho(ANN) Qarax ayaa caawa fiidkii ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee fadhiisinka u ah xukuumada taagta daran ee Sh. Shariif. Qaraxa ayaa wararku sheegayaan inuu ka dhashay. Kadib markii qof doonayay inuu isku qarxiyo gudaha hore ee qasiraga madaxtooyada ay rasaas ku fureen naftii hurahaa,

kaas oo sida ay wararku sheegayaan qarxay markii rasaasta ay ku fureen ciidamada ilaalada madaxtooyada ee AMISOM.
Ilaa hada lama sheegin cida wax ku noqotay qaraxa, balse waxa jira warar sheegaya inay qaraxa ka hor gudaha madaxtooyada rasaasi ka dhacday. Qofka doonayay inuu is qarxiyo ayay wararka qaar sheegayaan  inuu ka mid ahaa ilaalada Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Qaadir Cali Cumar, kaas oo ahaa wiil uu Abti  u yahay oo magaciisa lagu sheegay Shiine,

 balse ma jiraan sababta uu wiilkaasi isu qarxinayay.
Hase yeeshee warar kale oo laga helay dad ku dhow dhow qarsiga Villa Somalila  ayaa u sheegay shebekada araweelonews in qofka doonaayay inuu is qarxiyo ay u suurta gashay inuu soo dhaafo kaantaroolada is dabayaal ee madaxtooyada oo aad loogu baadho dadka. Kadib markii uu dabada soo qabsaday gaadhi ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ilaaliya madaxtooyada, isla markaana uu galay gudaha madaxtooyada oo ay u suurta gashay inuu sidaa ku dhaafo kaantaroolka ugu adage e Albaabka oo isagana si xoog ah loogu baadho wax, balse markii uu gaadhigii galay gudaha ay arkeen Askarta AMISOM qofkaa oo ku hubaysan Banbooyin. Kadibna ay rasaas tacshiirado ah ku fureen, halkaana uu ka dhacay qarax, balse lama sheegin ilaa hada khasaaraha uu geystay qaraxu.
Ma jiraan warar faahfaahsan oo ilaa hada kasoo baxay qaraxa iyo rasaastii ka horaysay. Laakiin waxa jira warar sheegaya inuu Ninkaa naftii huraha maydkiisa laga ururiyay caawa gudaha madaxtooyada, wuxuu Askari ka tirsan ciidamada  DKMG ah, isagoo ka mid ahaa Ilaalada wasiirka Arrimaha gudaha Somalia, balse uu si hoose ula shaqaynayay kooxaha A-shabaab ee dagaalka ka wada magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa kusoo beegamay xili ay xarunta Villa Somalia ka socdeen dhaqdhaqaaqyo ku saabsan xiisadaha dagaal iyo kuwa khilaafka siyaasadeed ee hadheeyay dawlada taagta daran.
Dhinaca kale dagaal maanta mar kale dib uga bilaabmay magaalada Muqdisho, kuwaas   oo u dhexeeyay ciidamada dawlada taagta daran oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM  iyo xoogaga Islaamiyiinta is bahaysiga Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo inta badan gacanta u haya gobollada Somali,  waxaana dagaaladaa maanta inta la ogyahay ku dhintay sideed qof oo rayid ah, halka ay ilaa tobaneeyo kale dhaawacmeen.
Afhayeenka Xisbul islaam, Maxamed Cismaan Caruus ayaa  maanta u sheegay  warbaahinta in weerarka ay iyagu soo qaadeen, isla markaana  ay guulo waaweyn ka gaadheen.
Dagaalada ka socda magaalada muqdisho ayaa inta badan khasaare u geysta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyadoo weerarada ciidamada AMISOM iyo xulufada ciidmada dawlada taagta daran lagu soo qaado ay kaga jawaabaan madaafiic khasaare dhimasho iyo dhaawac u geysta dadka masaakiinta ah ee awoodi waayay inay lafahooda ula cararaan oo iyagu weli ku sugan magaalada muqdisho ee dagaalada iyo burburiyeen.
. By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *