somalimemo.netMuqdisho(ANN)Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalnta Somalia ayaa sheegay inay sii deynayaan maxaabiis cagantooda ku jiray mudo oo u dhashay dalka Kenya ee ciidamadoodu dagaalka kula jiraan kooxda Al-shabaab gudaha Somalia, waxayna

shuruud ka dhigeen sii deynta maxaabiista inay dawlada Kenya fuliso codsiga ay dalbanayaan Al-shaab. haddii kale ay xukumo dil ah ku xukumayaan mudada loo qabtay haday jawaab ka waayaan dawlada Kenya.
sida lagu sheegay Mu’asasada lagu magcaabo  Al’kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Al-shabaab oo soo gudbisay muuqaal Vedio ah oo Maxaabiis dowladda Kenya laga qabtay ka muuqdaan, kuwaas oo ah 6 maxbuus oo sida ay sheegtay Al-shabaab lagu soo qabtay hawlagal ay.Janeuary 2012-ka ka fuliyeen gudaha Kenya, balse may cadayn inay yihiin dad shacab ah iyo inay yihiin dadka ay hawlgalka kusoo qabteen ee ay gacanta ku hayaan askar ka tirsan ciidamada Kenya.

Al-shabaab waxay sheegtay in Maxaabiista ay gacanta ku hayaan aanay ahayn oo keliya lixdaa maxbuus, balse waxay sheegeen in ay jiraan maxaabiis kale oo aanay cadayn dalalka ay u dhasheen iyo meesha ay ku hayaan.

Shuruudaha ay kooxda Al-shabaab ku xidhay maxaabiistaa iyo hadal ay maxaamiistu kaga dalbanay dawladooda oo lagu baahiyay qaybta warbaahinta ee Al-shabaab ayaa u dhignaa sidan:-
“Shuruudaha lagu xidhay Sii deynta Maxaabiista Kenyaatiga ah, ayaa ah sidan:-
Dowlada Kenya waxay haysataa 3 Isbuuc oo ka bilaabanaysa Saqda dhexe Taariikhdu marka ay tahay 24-01-2013 si ay uga soo jawabaan Shuruudaha Mujaahidiinta, Hadii ay doonayaan in Nolosha Maxaabiisteeda, Shuruudahaas oo kala ah.

1: Dowlada Kenya waa inaysii daysaa dhamaan Maxaabiista Muslimiinta ah ee ay u xir-xireen sababo la xiriira La dagaalanka Islaamka.

2: Dowlada Kenya waa inay xaqiijiyaan in la siidaayo dadka Muslimiinta ah ee ay u gacangeliyeen Dowlada Yugaandha sababo la xiriira Dagaalka ka dhanka ah Islaamka.

3: Sii deynta dadkaas Maxaabiista Muslimiinta ah waa in aysan wax shuruud ah ku xirnaanin isla markaana ay ay noqodaan mid  shaacsan oo aan qarsanoonayn.

Hadii uu dhamaado waqtiga loo qabtay arintan, dhamaan Maxaabiista Gaalada ah Kenyaatiga ah ee kasoo muuqday filimkaan waxaa lagu fulin doonaa Xukun Dil ah.”

Dhinaca kale Nuxurka Codsiga Maxaabiista Kenya oo Af-Soomaali ku Tarjuman

“Magacayu waa {Mulle Yesse}, waxaanan u hadlayaa dhamaan Maxaabiista Kenyaatiga ah ee k u jirta Gacanta Al-Shabaab.  Waxaan Codsi  iyo Fariin adag u diraynaa Dowladeena in ay ka hawlgasho sidii aan Xoriyadeena dib ugu heli lahayn. Qaar naga mid ah waxay cimrigooda intii ugu badnayd ku bixiyeen ka shaqaynta  Danaha Guud, anagoo aanan u adeegeynin oo kaliya Dowlada Kenya,  balse sidoo kale u adeegeynay  Guud ahaan Shacabka Kenya. Wax badan ayaan u dadaalnay wadankeena, hadana  waxaan u baahanahay inaad kaalintiina qaadataan oo aad naga caawisaan inaan anagoo nabad qabna dib ugu soo laabano guryeheena iyo qoysaskeena.

Waxa aan idanka codsanayno waa inaad tixgelisaan Shuruudaha Al-Shabaab si aan anagoo bad-qabna dib ugu soo laabano wadankeena.  Sida labada Musharax-Madaxweynayaal ee kala ah  Uhuru Kenyaata iyo Wilyan Rutu inta ay khilaafaadkoodii meel iska dhigeen  ay awoodoodii u mideeyeena, waxaan ka baryaynaa Shacabka Kenya, Warbaahinta Kenya iyo Dowlada Kenya in ay dadaalkooda mideeyaan si aan Xoriyadeena dib ugu helno.

Dowladeenu waxaa ay Ciidamada iyo Wadanka oo idil u abaabushay dagaal markii  ugu horeysey Taariikhda si ay usoo badbaadiso labo Dalxiisayaal  Reer Galbeed ah oo wadanka laga soo afduubay, Waxaan waydiinayaa Shacabka Kenya “ Labadaas qof ee Ajanabiga ah ma anaga ayay naga muhiimsanyihiin? Bal u fiirsada Dowladaha labadaas qofood ee Ajanabiga ah Soomaaliya uma so gelin si ay dadkooda u badbaadiyaan,  Anaguna hadii aan nahay Muwaadiniin Kenyaati ah, anaga ayaa uga xaqnimo badan in Wadankeenu uu na badbaadiyo  oo u caawiyo.

Walaalahayga Reer Kenyoow, Naftayda iyo Nafta Muwaadiniinta kale ee Kenya ee Gacanta ugu jira Al-Shabaab waxay ku xirantahay sida aad uga soo jawaabtaan fariintaan aan idiin soo gudbinayno,  Waxaan aad uga cabsi qabaa in markan ay noqoto markii ugu dambaysay ee aad mid anaga naga mid ah Fariintiisa maqashaan oo nala khaarajiyo,  ee Fadlan  Qadariya Duruufta aan ku suganahay, waxaanad bixisaan dadaalka ugu wanaagsan ee ay suurtagalka tahay in aan Xoriyadeenii dib ugu helno.” ayay ku yidhaahdeen dalabkooda maxaabiista kenya ee ku jira gacanta Al-shabaab.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *