Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Weerar Lagu Laayay Dhaakhaatiir Suuriyaan Ah Iyo Dhakhatar Soomaali AhMuqdisho(Araweelo News Network) Kooxda Al-shabaab eek a dagaalama Somalia ayaa iska fogeeyay weerar maanta lagu laayay Saddex Dhakhaatiir Suuriyaan ah iyo Dhakhtar Soomaali ah, kuwaas oo koox

 

 

aan la qoonsan weerar ku qaadeen gaadhi ay saarnaayeen duleedka Magaalada Muqdisho ee wadada Siinka dheer.
Dhakhaatiirta Suuriyaanka ah iyo Dhakhtar Soomaali ah oo weheliyay ayaa markii weerarka lagu qaaday u socday magaalada Muqdisho, iyagoo ka tegey Cusbitaalka ay ka hawlgeli jireen oo dhowaan laga hirgeliyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Kooxda fulisay weerarka oo watay sida ay sheegayaan wararku Gaadhi Noociisu yahay Noha, isla markaana ku lebistaan Tuutaha Ciidanka ayaa markii ay fuluyeen weerarka si nabad ah goobta uga tegey, iyadoo Goobta dilku ka dhacay ay u dhowdahay Bar Baadhitaan oo Ciidamadu leeyihiin.

Agaasimaha Cisbitaalka Fiqi ee ay ka hawlgelyeen Dhkhaatiirta la laayay ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay ay ku lebisnayeen darayska ciidanka Dowladda Federaalka oo ay si aan cabsi ku jirin uga dhaqaaqeen goobta markii ay weerarka fuliyeen.
Dhinaca kale Sarkaal u hadlay Al- Shabaabul ayaa sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn dilkii foosha xun ee lagu khaarajiyay Dhakhaatiirta Suuriyaanka ah iyo Dhakhtar Soomaali ah oo la socday, wuxuuna mar uu weerarkaa ka dib lahadlay BBC-da qeybta Soomaaliga xusay in  xiligii ay maamulayeen duleedka Muqdisho  Al-shabaab ay sugi jireen ammaanka dhakhaatiirta bulshada kale eeku noolayd goobaha iyo deegamaada ay maamulaan. Sidoo kalena ay u taaganyhiin ilaalinta diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale weerarka lagu layay kooxda dhakhaatiirta ah ayaa noqonaya kii labaad oo todobaadkan lala beegsado dad ajaanib ah, iyadoo todobaadkan lagu khaarajiyay gudaha magaalada Muqdisho haweenay u dhalatay dalka Uganda oo wax ka dhigi jirtay Jaamacadda Muqdisho.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *