aan la qoonsan weerar ku qaadeen gaadhi ay saarnaayeen duleedka Magaalada Muqdisho ee wadada Siinka dheer.
Dhakhaatiirta Suuriyaanka ah iyo Dhakhtar Soomaali ah oo weheliyay ayaa markii weerarka lagu qaaday u socday magaalada Muqdisho, iyagoo ka tegey Cusbitaalka ay ka hawlgeli jireen oo dhowaan laga hirgeliyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Kooxda fulisay weerarka oo watay sida ay sheegayaan wararku Gaadhi Noociisu yahay Noha, isla markaana ku lebistaan Tuutaha Ciidanka ayaa markii ay fuluyeen weerarka si nabad ah goobta uga tegey, iyadoo Goobta dilku ka dhacay ay u dhowdahay Bar Baadhitaan oo Ciidamadu leeyihiin.
Agaasimaha Cisbitaalka Fiqi ee ay ka hawlgelyeen Dhkhaatiirta la laayay ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay ay ku lebisnayeen darayska ciidanka Dowladda Federaalka oo ay si aan cabsi ku jirin uga dhaqaaqeen goobta markii ay weerarka fuliyeen.
Dhinaca kale Sarkaal u hadlay Al- Shabaabul ayaa sheegay in aanay wax lug ah ku lahayn dilkii foosha xun ee lagu khaarajiyay Dhakhaatiirta Suuriyaanka ah iyo Dhakhtar Soomaali ah oo la socday, wuxuuna mar uu weerarkaa ka dib lahadlay BBC-da qeybta Soomaaliga xusay in xiligii ay maamulayeen duleedka Muqdisho Al-shabaab ay sugi jireen ammaanka dhakhaatiirta bulshada kale eeku noolayd goobaha iyo deegamaada ay maamulaan. Sidoo kalena ay u taaganyhiin ilaalinta diinta iyo dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale weerarka lagu layay kooxda dhakhaatiirta ah ayaa noqonaya kii labaad oo todobaadkan lala beegsado dad ajaanib ah, iyadoo todobaadkan lagu khaarajiyay gudaha magaalada Muqdisho haweenay u dhalatay dalka Uganda oo wax ka dhigi jirtay Jaamacadda Muqdisho.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com