Baraawe(Araweelo News Network) Maamulka Al-shaabab ee Wilaayada Shabeelada Hoose ee Baraawe, ayaa boqolaal qof oo ay salaadii Ciidal Adxa kula tukadeen

 

fagaare ku yaala halkaa ka jeediyay hadalo isugu jira dar-daaran oo u muuqday in ay shacbiga kula balamayeen iyo hanjabaado ku waajahan Dawlada Somalia iyo Ciidamada Shisheeye.

Xukuumadda Xasan Sheekh ee Somalia, ayaa shalay sheegtay in gebi ahaanba Al-shabaab ay iskood uga baxeen Magaaladaa, balse masuulka ugu magcaaban Baraawe Al-shabaab Sheekh Maxamuud Abuu Cabdalla oo fagaare kula hadlay maanta Salaadii Ciida ka dib ayaa sheegay in dadka reer Baraawe ee isugu soo baxay salaada aanay ahayn tiradii hore munaasibadaha ciida iman jirtay halkaa, wuxuuna taas sabab uga dhigay ciidamada huwanta ah kusoo duulay iyo maraakiib uu sheegay in ay Badda taagan yihiin, kuwaas oo sida uu sheegay qixiyay shacabka deganaa magaalada qaarkood.

Abuu Cabdala oo ka hadlaya Fagaaraha, wuxuu sawir ka bixiyay xaalada deegaanka oo dagaal qarka u saaran iyo saamaynta ay ku yeelatay nolosha dadka deegaanka Baraawe, isagoo yidhi, “Dadka Reer Baraawe oo maanta sidii ay usoo ciidi jireen aad moodid in ay ka dhimeen, intaasna Cadawga Illaahay ayaa qixiyay, waxaana la diinanyahay in ay Ummada Islaamku ku dhaqanto sunadii rasuulka CSW iyo Diintooda suuban, waad aragtaan in Baraawe maanta umaddii masaakiinta ahayd laga qixiyay oo Maraakiib Badda lasoo dhigtay oo diyaarada cirka ka guuxayaan oo Taangiyo meel walba lasoo dhigay si loo qixiyo masaakiinta, laakiin anagu waa joogaynaa, waana idiin sheegnay shalay ama doraad in aan halkan ku tukanayno, iyagan waad ka warqabtaan halka ay joogaan ayuu yidhi.

Abuu Cabdalla, wuxuu balan ku qaaday in aanay weligood ka baxay Baraawe iyo agagaarkiisa oo ay is difaaci doontaan, wuxuuna isagoo u muuqday inuu dadka lasii dardaarmaya yidhi, “Anagu waxaan qoriga u qaadanay in aan dadka masaakiinta ah difaacno oo diintooda difaacno, adinkana waa inaa iska dhicisaan cadawga Illaahay qofkii Biyo u shuba isagay u taalaa, waxaa laydiinka baahanyahay sida aad maanta iyagoo halkaa taag-taagan usoo ajiibteen Wilaayada oo barxadan u timaadeen aad weligiin sidaa yeeshaan, meeshii muslimiintu joogtona aad la shaqaysaan, waxaan isku ognahay in aad iska dhicisaan ciidamada Saliibiyiinta cidii la socota, saas ayaan isku ognahay, meeshana waxay noqon doontaa Qabuurihii Saliibiyiinta” ayuu yidhi Abbu Cabdalla.

Dhinaca kale Xukuumadda Somalia, ayaa shalay warbaahinta u sheegatay in Al-shabaab ka baxeen magaalada baraawe oo ka mid ahayd meelaha ugu muhiimsan ee Istiraatiijiga ah ee ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shaabaab, balse waxa muuqata in weli aanay iskeed uga bixin Al-shabaab magaaladaa oo mudo dheer ay gacanta ku hayeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *