corruptinctz

Mar kale waxa mudooyinkii u danbeeyay dib usoo laabtay sawaxanka iyo guuxa ka taagan dhaq-dhaqaaqa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

 

ee la xidhiidha  heshiisyo dhinaca Shidaalka ah oo ay la gashay ashkhaas iyo shirkado dilaaliin ah oo sita magacyo shirkado tan iyo markii ay xilka wareegtay xukuumaddii Daahir Rayaale  sanadkii 2010.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxay marar badan sheegtay shirkaddaha ay heshiisyo dhinaca shidaalka ah la gashay, kuwaas oo ay ku  tilmaamay inay yihiin kuwo soo saaraya shidaalka dalka oo mudo ka badan Nus qarni Bulshadu ku taamaysay inay mar uun rumawdo riyooyinka iyo sheekeeyinka la xidhiidha khayraadka dihin iyo shidaalka ee geyiga Somaliland ceegaaga.

Hase yeeshee dhaq-dhaqaaqyo ay xukuumaddu ku sheegtay inay yihiin shirkaddo shidaal sahamin ka bilaabaya dalka sanadkii hore waxa durbadiiba hadheeyay muran iyo sawaxan sababay in ay dib u gurtaan, kadib markii ay ka horymiaadeen xiisado ka dhashay saluug ay dadka deegaanku ka muujiyeen qaabka loo maamulay qandaraasyada dhinaca shirkaddaha shidaalka ee la doonayay inay deegaamada Bariga ka bilaabaan hawshaa sahaminta shidaalka.

Dareenka iyo saluuga ka dhashay qandaraasyada shirkaddaha shidaalka, waxa sii xoojiyay calaamatu su’aal saarnayd nooca ay yihiin heshiisyada lala galay shirkadaha doonaya inay Somaliland ka bilaabaan hawlaha shidaalka, kuwaas oo aan heshiisyadooda la geyn golaha wakiiladda ee dastuurku awooda u siiyay inay maraan heshiisyada noocaa ah ee ay xukuumaddu gasho.

Sidoo kale waxa arrimaha sii murgiyay, iyadoo aanay muuqan marka laga hadlayo  hawlaha dhinaca shidaalka iyo maalgashiga dariiq sharci oo loo jeexay ka hor inta aan lasoo saarin,  isla markaana aan la diyaarin wadiiqooyinkii dhinaca sharciga ee loo baahnaa ka hor in la sameeyo, iyadoo aanu jirin xeerka (Petroleum Law), kaas oo ka hor inta aan la gelin heshiis dhinaca Batroolka, ama Macdanta ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo, isla markaana qeexaya oo si cad u tilmaami lahaa wax badan oo mad-madaw iyo muran siyaasadeed abuuray, sidoo kalena lagu iftiimin lahaa sida loo wadaagayo khayraadka dalka, ka hor inta aan la soo saarin si looga badbaado dhibaatooyin horseeda fawdo iyo colaado halkii laga sugayay horumar iyo in khayraadka dalka aanu u gacan gelin dilaaliin iyo maafiyo xidhan shaadhadh shirkado shidaal oo ay shuraako ku noqdaan shaqsiyaad kooban oo mansabyada xilalka ay qaranka u hayaan uga faa’idaysta in ay ku boobaan khayraadka dalka.

Hase yeeshee dhamaan wadooyinka sharciga iyo tilmaamaha dastuurka ee waajibka ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxay u aragtay in aan loo baahnayn, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo khilaafka iyo cabashooyinka xiligaa ka dhashay qandaraasyada arrimaha shidaalka ee bulshada deegaanka iyo doodaha ka dhashay ee dhinaca sharciyada  oo ku baaqayay, welina ku baaqaya  in la waafajiyo cadaaladda qandaraasyada shidaalka iyo gebi ahaanba wadada loo marayo Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo bedeshay xeerkii loo baahnaa in la sameeyo ee (Petroleum Law), ama xeerka maamulka Khayraadka Dabiiciga ah magacii la doono haloo bixyee, balse  loo raaci lahaa heshiisyada shidaalka, Macdanta iyo khayraadka kale ee dalka.

Sidoo kale waxay waregtada Madaxweyne Siilaanyo baalmartay qeexitaanka Dastuurka ee tilmaamaya in golaha wakiiladda ay xukuumaddu u gudbiso heshiisyada ay la gasho  shirkaddaha, sida shirkadaha shidaalka.

Mar kale ayuu Madaxweyne Siilaanyo dhowaan Digreeto kusoo saaray abuuritaanka ciidan lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa ilaalinaya shirkadaha sahaminta shidaalka, taas oo la yaab ku noqotay rayal caamka bulshada, isla markaana ay ka dhasheen doodo sharci  iyo tusaalooyin farta ku fiiqaya khatar kale oo Madaxweyne Siilaanyo kooxda ku xeerani  u qaadeen dhabo khaldan oo halis ku ah dalka iyo dadka, isla markaana baalmarsan sharciga iyo Distoorka, waxayna dadka deegaanka ee horeba uga  qayliyay qaabka loo maamulayo hawlaha shidaalka iyo rayal caamka bulshaduba ka bixyeen arrimahaa  jawaabo muujinaya sida aanay marnaba u aqbalayn in kooxo maafiyo ah oo aanay wax damaanad ah ka haysan dhibaatooyinka ay deegaanka u geysan karaan  iyo jiritaan la’aanta sharcigii u damaanad qaadi lahaa in si siman looga faa’idaysto khayraadka dalka oo hadda u muuqda in lagu bedelay wareegtooyin iyo abuuritaanka ciidan cusub, taas oo tafsiirka laga bixiyay muujinayo in iyadoo la baalmaro sharciga iyo Dastuurka dalka, taa bedelkeedana la adeegsanyo ciidamo  xoog lagu soo saaro kharaadka dalka. Kadibna ay sidaa ku boobaan kooxaha is bahaystay ee sita Magacyada shaadhadhka shirkadaha Batroolka iyo kooxda  yar ee ugu  adeegaya  sharcidarada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku magcaaban yahay.
Dhegta u taag Qaybo kale
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.
E-mail Jaamac132@gmail.com

www.Araweelo News Network
info@araweelonews.com
www.arraweelo.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *