Hargeysa (ANN) Xaflad  si weyn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay hutelka Kaah ee Bariga magaalada Hargeysa ayaa lagaga dhawaaqay in garabka isbedeldoonka Udub ku biireen xisbiga mucaaridka ee Kulmiye.

Xafladaa oo  ay  kasoo qayb galeen  masuuliyiinta xisbiga Kulmiye iyo hogaanka garabka la baxay esbdeldoonka ee Udub iyo marti sharaf kale, waxa qudbado kooban oo ku saabsan ujeedada ku kaliftay waqtigan inay ku biiraan isbdeldoonka Udub xisbiga Kulmiye iyo xaalada siyaasadeed ee dalka ka jeediyay hogaanka garabka isbedeldoonka. Sidoo kale masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa iyaguna qudbadihii ay halkaa ka jeediyeen si dhaba ugaga waramay xaalada dalka ee maanta iyo diyaargarawga doorashada.
Waxaana gebagebadii xafladaa lagu kala saxeexday Heshiis ka kooban dhawr qodob, kaas oo ay ku wadajir u wada  saxeexeen Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Isbedel-doonka UDUB Axmed Sandoon Xasan. Nuxurka qodobada heshiiskuna  wuxuu u dhignaa sidan;
“Waxaa maanta oo bisha April tahay 20/04/2010 si wada-jira u soo saaray qoraal rasmi ah Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedal-doonka Xisbiga UDUB. Waxaana qoraalkan rasmiga ah laga soo saaray Xaflad ballaadhan oo lagu soo dhoweeyey Garabka Isbedel-doonka UDUB ee ku soo biiray Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Kaah ee magaalada Hargeysa. Wuxuu Qoraalkan dhignaa sidan;
‘Waxaa in muddo ah wada hadalo u socdeen Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB; waxayna labada dhinac wada yeesheen kulmo isbada jooga oo ay kaga wada hadleen sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen, meelna uga soo wada jeesan lahaayeen sidii Isbedel iyo maamul u adeega bulshada looga dhalin lahaa Somaliland.

Kulamadaasi ay labada geesood wada yeesheen waxay kaga wada hadleen baahida Shacabweynuhu u qabo sidii maamulka maanta dalka ka taliya looga wareegi lahaa iyo sidii dib-u-eegis iyo wax-ka-bedel loogu samayn lahaa Dastuurka qaranka iyo waliba sidii loo hawlgelin lahaa hay’adaha dawliga ah Nabadsugidda, loona toosin lahaa meelaha qalloocday.

Waxaa kaloo arrimaha lagaga wada hadlay Shirarkaasi ka mid ahaa, in si wadajira loogu hawlgalo hirgelinta barnaamijka Ololaha Doorashada Madaxtooyada ee foodda innagu soo haysa iyo sidii ay labada dhinac gurmad degdega uga geli lahaayeen fulinta iyo guusha barnaamijka Ololaha Doorashada. Kulamadaasi oo dhowr weji lahaa waxaa arrimihii lagu soo qaaday waxa ka mid ahaa;

  1. Kaddib markii ay u cuntami wayday Garabka Isbedel-doonka UDUB nidaamka siyaasadeed ee xukuumadda Madaxweyne Riyaale dalka ku maamulayso, taasoo dhalisay in meel-ka-dhacyo iyo dhaawac fara-badan loo geystay Qaranimada, Dimuqraadiyadda iyo Xidhiidhka dalku la leeyahay bulshada caalamka, kalliftayna in magaca Somaliland laga garan waayo xataa wadamada aynu jaarka nahay qaarkood.
  2. Markii ay si midaysan u wada arkeen ku-dhaqan la’aanta iyo ku-xadgudubka xukuumadda maanta dalka talisa Dastuurka iyo xeerarka qaranka iyo waliba ku-tumashada xuquuqda muwaadinka.
  3. Markii ay xaqiiqa noqotay in maamulka maanta dalka ka jiraa ku guuldaraystay inuu dalka u dejiyo barnaamijka iyo qorshe jaan go’an oo dalka lagu hago, taasina ay sababtay in dalku galo xaaladda mugdi siyaasadeed iyo dhaqaaleed.
  4. Markii xukuumaddu u badheedhay boobka iyo dhaca hantida ummadda iyo waliba dhiirigelinta iyo wax-ka-qabasho la’aanta musuqmaasuqa baahay ee faraha ka baxay.
  5. Markii la isla waafaqay in Xisbiga KULMIYE  oo ah xisbi mucaarad ah, kaalin mug lehna kaga jira siyaasadda dalka, isla markaana saami weyn ku leh xubnaha Golayaasha Qaranka, taageero badan ka haysta shacabweynaha Somaliland.
  6. Markii ay is-waafaqeen dadaalka Xisbiga KULMIYE  ugu jiro wax-ka-bedelka xaaladda siyaasadeed, dhaqaaleed iyo bulsho ee dalku maanta ku jiro iyo dareenka ka biyo-diid ee Garabka Isbedel-doonka UDUB ee xil-gudasho la’aanta xukuumadda Rayaale, ayaa labada dhinac ee Hoggaanka KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB iyagoo tixgelinaya arrimaha aynu kor ku soo xusnay waxay isla qaateen qodoban;
  • Inay lagama maarmaan tahay ilaalinta iyo dhowridda haykalka dawladnimo iyo Qabyotirka dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u dejisan.
  • Sugidda iyo madaxbannaanaynta Hay’adaha ay ka mid yihiin Garsoorka, Hantidhowrka iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.
  • Dib-u-eegidda iyo diyaarinta qorshe horumarineed ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ah.

7. Dhinaca kalena guddiga loo xilsaaray soo dhoweynta iyo is-dhexgalka KULMIYE iyo Garabka Isbedel-doonka UDUB waxay isla qaateen;

  • In garabka Isbedel-doonka UDUB oo isugu jira xubno ka tirsanaa Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Golayaasha Qaranka iyo waliba garabyada haweenka iyo dhalinyarada ee Xisbiga UDUB si rasmiya loogu soo dhoweeyey Xisbiga KULMIYE, isla markaana loo diyaariyo kaalinta kaga aaddan ka-qaybgalka hawlaha ku lug leh barnaamijka Ololaha Doorashada Madaxtooyada.
  • In kaalinta iyo saamiga xileed ee ay ka qaadan karaan masuuliyiinta ka soo digo rogtay Xisbiga UDUB ay kala mid yihiin madaxda kale ee Xisbiga KULMIYE, lana soo hordhigi doono codsigooda shirka ugu horreeya ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE yeesho, iminkana ay ka qaataan kaalintooda abaabulka, wacyigelinta iyo soo xero-gelinta taageerayaashooda.

Dhinaca kale waxa duleedka dhinaca Galbeed ee Hutelka lagu qabtay munaasibadaa lagu arkay Waraabe la dhigay wadada laamiga ah qarkeeda, kaas oo sida maqaarka laga saaray jeeniga dhinaca midigta, isla markaana sanka iyo Afka la gooyay, waxayna qaar ka mid ah dadka xaafadaha u dhow sheegeen in subaxnimadii hore gaadhi yar oo goobtaa yimi la rumaysan yahay inuu waraabaha meesha dhigay.

Lama garanayo cida Waraabaha goobtaa dhigtay iyo ujeedada laga leeyahay, balse qaar ka mid ah dadka waxyaabaha noocaa ah fasira ayaa jeeniga Waraabaha ee Maqaarka laga saaray ilaa garabka uu ku tilmaamay inay muunjinayso in arrintaa loola jeeday munaasibada xaflada ee huteelka  duleedkiisa la dhigay ka dhacay dadka, isla markaana sawirada noocaa oo kale ay yihiin kuwa lagu garto sixirka iyo falka dadka yaqaanaa ay sameeyaan.

Maaha markii u horaysay ee la arko qisadan oo kale, Iyadoo laba sanadood ka hor waraabayaal sidan oo kale loogu gawracay qaar ka mid ah Xaafadaha Koonfurta iyo Woqooyiga Hargeysa ula jeedeen qorshe maqaarka laga    malaynayo Ara dadka   muuqata  dareen ka

Araweelonews/Office Hargeysa .                                

By,  Carraale M. Jama
E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *