Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, isaga oo aad uga tiraanyaysan, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuum Hassan Jamac Abokor oo ku geeriyooday Dalka India taariikhdu markay ahayd 18 April, 2014. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan ummaddii uu ka baxayba; marxuumkana Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo.
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Aamiin Aamiin
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1