Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne), waxa uu tacsi u dirayaa
qoyska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cismaan Xasan Cali (Cismaan-caato) oo 05/08/2013 ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaannu marxuumkaas Eebbe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin… Aamiin