INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJACUUN.

Waxaan tacsi u dirayaa xaaska, tafiirta,ehelka, qaraabada iyo asxaabta marxuum Iid Ibraahim Siciid oo ku geeriyooday Saudi Arabia. Waxaan marxuumka u baryayaa dambi dhaaf iyo naxariista Eebbe.

 

Iid Ibraahim Siciid waxuu ahaa oday ka mid ah tiirarka jaaliyadda Soomaliland ee Sacuudiga Waxuu qayb libaax ka qaatay halgankii SNM guddigiisa Mundaqadda Sharqiya ee Sacuudiga. Waxuu ahaa nin shaqo oon maalinna nasan, nin qoyskiisa jecel oo si wacan u koriyey. Alle wuu u haajiyey ubadka oo ah Sacuudiyiin, bulshadoodana meel wacan kaga jira Sacuudi iyo Soomalilandba.

 

Aniga waxuu ii ahaa garab kolkaan Jubail shaqada ka helay sideetanaadkii annigoo dalka Ingiriiska ka imid, waxuu ka mid ahaa tirada yar ee joogtay ina garab qabatay.Waxaan leeyahay ilma Iid iyo hooyadoodba waan idiin joognaa walow aanan buuxin karin kaalinta idinku banaanaatay, haddana adeero iyo ilmaadeerba, tol iyo asxaaba idin iloobimeyno. Nolashaa sidaas ah samir qaata ducaan marxuumka iyo idinkaba ideen haynaa.

 

Alle ha u naxariisto  Iid Ibraahim Siciid, samir iyo iimaanna ha ka siiyo ehel, qaraabo, xigto, xigaal iyo asxaabba meel kasta ooy joogaanba. Alle ha waafajiyo inta taqaanay iyo intaan aqoonba inay faataxada u maraan una duceeyaan marxuumka qaaliga ahaa ee ka geeriyooday Soomaliland oo u ahayd hoy aan marna laabtiisa ka bixin.

 

Allow naxariistaada u fidi. Allow dambigiisa dhaaf oo ku manayso janatul fardows. Aamiin.

Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha ee

Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *