sigaar2Ka sheekeynta sigaarka iyo sida uu u saameeyo caafimaadka ma ahan wax ku cusub indhaha iyo dhagaha dadyow badan oo caalamka ku nool , kuwaana waxaa ka mid ah dadka soomaaliyeed.

Cidna uma doodi karto sigaarka in uu wanaagsan yahay balse kuwa sameeya ee soo saara daqligana uu ka soo galo ayaa baakada sigaarka dusheeda ku qora (SMOKING SIGARATE SERIOSLY DAMAGES HEALTH )oo macnaheedu tahay cabista sigaarka waxey si xun u waxyeeleysaa ( dhaawacdaa )caafimaadka .
Hadaba waxaan jecleystay in aan maqaal ka diyaariyo sigaarka, hadana waxaan is idhi sow tii laga hadlay, marar badan. Waxaan bilaabay in aan eeg eego macluumaadyada la xidhiidha sigaarka waxaan ii soo baxday rajo kadib markii aan arkay maqaal cinwaankiisu ahaa mudo sagaal bilood gudahood waxaa cabsita sigaarka iska daayay 8 milyan iyo 200 kun oo ruux cilmi baadhis caalami ah sanad kaliya.

Intaa kadib waxaan go’aansaday in aad soo bandhigo 10 qaab oo hadaad raacdo kuu sahleysa in aad sigaarka iska deyso. Anigoo kaashanaya cilmibaadhisyo iyo qoraalo laga sameeyay, kuna daraya wixii indhaheyga qabteen oo ah dhaqanka dadka soomaaliyeed ee sigaarka caba.

Raac talooyinkan hadii aad dooneyso in aad sigaarka joojiso :
1-Dib uga dhac xiligii aad cabi jirtay sigaarka taasi waxey yareysneysaa tirada aad cabi jirtay maalintii iyo habeenkii ilaa ugu danbeyn aad gaadho in aadan maalin iyo habeen xabad kaliya aadan cabin ,ogow bilow fiican ayaad heysataa.

2- Socodka waa wax ku wanaagsan jidhka iyo maskaxdaba waxeyna jidhka ka yareysaa kiimikada keenta jamashada sigaarka, marka badi socodka tusaale midka cilmiga lagu raadinayo oo kale.

3-Noqo qof bulshaawi ah marka aad joojiso sigaarka ,hadalka badi intaad awoodo. Maaddo Australiya dugsiyadooda lagu dhigo ayaa ah dadka sigaarka iska deynaya hala hadlaan dadka kale taasi oo ay sheegeen in lagu faa’iday.laakiin habka aad muslim ahaan isaga deyn karto ayaa ku odhan lahaa ka hadal sida sheydaanka uu kuugu qurxinayo xumaanta allana uu ku soo hanuuniyo. Badi fadhiga masaajidka salaada kadib horay haka cararin tasbiixso.

4-Cun xanjada hadii aad waqti badan calaalido xanjada afka ayey mashquul ka dhigtaa ,sidoo kale cun lowska,kaaroodka,iyo waxyaabo kasta oo ku mashquuliya sida xasiida ( sabuulka ) waxey kuu sahleysaa in aad ilowdo sigaarka waxna kuma yeeleyso waxan aad cuneyso.

5-Sxb ka dhigo dadka aan sigaarka cabin ,sheekedooda la socodkooda iwm. maxaa yeelay in aad ka fogaato kuwa sigaaryo cabka ah oo aad jarto xidhiidhkooda waxey kugu sii ridaa wadada wanaagsan, waxaadna ilaaweysaa jamshadii aad jaman jartid sigaarka.

6-Dadka sigaarka caba wel-wel la’aan kama dhamaado ayey yidhaahdaan qubarada ku fogaaday baadhista sigaarka iyo waxyeelentiisa, hadaba marka aad iska deyso wuu yaraadaa welwelka ,xeer ama sharci ka sameyso .tusaale in aad dhahdo hadii aan ku soo noqdo sigaarka ilaahow cadaabta I geli. markaa mar kasta waad xusuusnaaneysaa.

7-Ka feker sababta aad u joojisay sigaarka maxey aheyd ? Ma caafimaad daro, ma nadaafad la’aan, ma waano waalid ama walaal,mise ruux aad nolol wadaagteen Iwm. U sheeg naftaada in aad sigaarka joojin karto , waa hubaal in aad caqabado la kulmi karto ,ha u dabcin noqo mid xaqiiqda ka gun gaadha, hadaf leh iyo meel uu higsanayo halkaa oo ah in aad sigaarka iska deyso cabidiisa.

8-Isbarbardhig ku samee xiligii aad sigaarka cabi jirtay iyo xilagan oo aad iska deysay kee nashaad baan tahay dib u xusuuso marka aad maqaayadaha, basaska dadweynaha , daawashada Tvyada,meelaha dadka isugu yimaadaan inta aad sigaar shidato lagu odhan jiray inaga baqtii ( dami ) sida aad dareemi jirtay qajilaad { xishood ) ama cadho ( xanaaq ) .

9-Raashinka qaar marka aad cunto ayaad niyada gashataa sigaar ayaad u baahan tahay ,tusaale Hilibka iyo Bariiska ama baastada , roodhiga waa weyn ee Begerka ama fish -Berger , marka waxaad u badalataa qeybo kale xiliga ugu horeeya ee joojinta sigaarka,sida in aad badsato qudaarta , iyo wixii kale ee aad awoodo.

10-Rumeyso nafsadaada in aad go,aamisay wax qatar kugu ahaa noloshaada oo dhan waana in aad joojisay sigaarka. Raadso wax kasta oo ay nafsadaada ku xasileyso sida aqrinta kitaabka qur’aanka dhageysigiisa, aqrinta buugaagta qaar ee faaiidada leh, daawashada Tvga adiga oo kala soconaya barnaamijyada qaar e xiissaha kuu leh, sida docomentriyada ka sheekeeya wax hore, wax jooga, iyo waxa soo socda iyo saameyntooda .

Xigashooyin : www.nhs.uk , www.mayoclinic.com ,www.health.com iyo baaris aniga ii gaar ah oo aan ka sameeyay sigaarka.

Waxaa diyaariyay Siciid xagaa Afrax.
Journalist
Sxagaa@hotmail.com.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *