Middle East(Arraweelo News)Ugu yaraan 261 qof oo caalamka ku kala nool ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka dilaaga ah ee MERS, kuwaasoo 93 ka mid ah u geeriyoodeen xannuunkaas .

Fayraska cusub ee loogu magac-daray  “Middle East Respiratory Syndrome Coronavirus” (MERS-CoV), ayaa  markii u horraysay laga maqlay dalalka Sucuudiga iyo Jordan sannadkii 2012, waxaannu intaa kadib ku faafay qaar ka mid ah caalamka oo u badan yihiin lix waddan oo Bariga Dhexe ku yaal sida; Cummaan, Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka iyo dalal kale oo ka mid yihiin; Ingiriiska, Faransiiska, Masar, Giriigga, Tuniisiya, ayaa la sheegay in laga helay dad u socdaalay Bariga Dhexe oo waddammadaas ku noqday.

Xannuunka Mers waxa sababa fayras la yidhaa Crona oo ay isku qoys yihiin fayrasyo kale oo uu ka mid yahay SARS, kaasoo ka dillaacay dalka Shiinaha sannadihii 2002-2003, isla markaana dilay dad gaadhaya 800 oo qof, iyadoo fayraska MERS lagu kala qaado hawadda iyo taabashada, lama helin dawadiisa ilaa hadda, arrintaasoo sii kordhinaysa khatarta uu dunida ku hayo.

Calaamadaha Middle East Respiratory Syndrome Coronavirus (MERS-CoV): Wuxuu ku dhacaa neef-mareenka, waxana astaamihiisa ka mid ah; qufac, biyo sanka ka yimaad, neefta oo qofka ku yaraata, feedho xanuun, xummad iyo hawlgabka kelyaha (kidney failure).

Qofkii u horreeyay ee fayrasku asiibay waxa caddeeyey Waaxda Caafimaadka Maraykanka ee Gobolka Indiana, 2 May 2014 oo laga helay qof socdaal ah oo ka soo kicitimay magaalada Riyaad Sucuudida uu ka degay Chicago, isagoo Transit ku maray London.

Saraakiisha caafimaadka Maraykanku waxay ku hawlanyihiin baadhitaanka dad kale oo looga shakisanyahay inay ag fadhiyeen ninka xannuunku ku dhacay.

Dalalka caalamka badankoodu waxay u diyaargaroobeen inay muwaadiniintooda xakameeyaan dadka xannuunkan qaaday ee safarrada cirka, dhulka iyo badd ka gelaya, iyagoo baadhitaanno caafimaad ku samaynaya dadkaas.

Xukuumadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay shacabka ku baraarujiso xannuunka dilaaga ah ee ka dillaacay Bariga Dhexe, maadaama duullimaadyo joogto ah ka yimaaddaan dalalka cudurkani ka dillaacay, isla markaana ku dedaasho in baadhitaan lagu sammeeyo ci dkasta oo dalka imanaysa, laguna hubiyo caafimaadkooda madaarrada, dekedaha iyo xuduudkaba, si loo badbaadiyo nolosha shacabka oo dhan.

Xannuunka MERS ka-hortag mooye, dawo ma leh.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *