Dr. Adam IsmailHargeysa(Araweelo News Network) Aqoonyahan Aadam Ismaaciil ayaa Ardayda Jamacadda Hargeysa usoo bandhigay Tababar ku saabsan sida ugu haboon ee ay shaqo u abuuri karaan dhalinyaradda

 

ka qalin jabisa jaamacadaha dalka.
Tababarkaa oo ahaa mid aan hore noociisa loogu qaban Somalialnd ilaa inta la ogyahay, ayaa jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay Huteelka Taaj ee magaalladda Hargaysa.

Waxaa tababarkaa ka qayb galay 90-arday oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ka mid ah ardaydii ka qalin jabisay jaamacaddaha dalka, tababarkaa oo ahaa mid lacag la’aan ah waxaa bixinayay isla markaana soo bandhigay Dr. Aadam Ismaaciil oo ah aqoonyahannada u dhashay  Somaliland ee jecel horumarka iyo dhiirigelinta dhalinyaradda, wuxuu Dr. Aadam oo aqoon dheer iyo waaya aragnimo u leh siyaabaha shaqada loo raadsado iyo xirfadaha ay dhalinyaradu u baahan tahay si ay ugu guulaystaan shaqooyinka.

Tababarkan oo ahaa kii 5-aad ee uu Dr. Adam Ismaaciil ugu tabaruco dhallinyarada ka soo baxday jaamacadhaa dalka ayaa waxa uu dhalinyarada si buuxda ugu sharaxay waxyaalaha looga baahanyahay qofka shaqada raadinaya, kuwaasi oo u sahla cidda ama qofka shaqaalaha qoranayaa inuu ku xusho dadka ku haboon shaqada la qabanayo.

Waxyaabihii dhalinyarada loo asteeyey in ay raacaan si ay shaqo u heli karaan ayaa waxa ka mid ahaa:

• Sida loo qoro CVga fiican (How to write a good CV);

• Sida loo qoro waraaqaha la raaciyo CVga (How to write CV cover letters);

• Xirfadaha imtixaanka shaqada (Job interview skills);

• Anshaxa shaqada (Work Ethics);

• Sida laysaga ilaaliyo tahriibka (How to avoid illegal migration)

• Sida loo korodhsado aqoonta guud (How to improve general knowledge);

• Xilka muwaadinka (Duties of a citizen) iwm.

Dhinaca kale Dr. Aadam ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay inuu qofku u diyaar garoobo shaqada uu dalbanayo, isla markaana uu su’aalaha laga weydiin karo sii baadho, kuna qanciyo dadka CV-ga ka eegaya in la siiyo fursad lagu waraysto. ka dibna dadka waraysiga ka qaadaya uu ku qanciyo inuu isagu yahay qofkii ku haboonaa shaqada la buuxinayo.

Waxyaalaha kale ee uu Dr.- Aadam sharaxaada ka bixiyay intii uu socday tababarku waxaa ka mid ahaa qaabka qofka shaqada doonaya uu u lebisanayo oo saamayn ku yeelanaya shaqada uu dalbanayo, sidoo kale waxa uu sheegay in salaanta marka uu soo galo meesha interviewga lagu qaadayo ay iyana door ku leedahay, ilaa sidaa uu u fadhiisanayo iyo sida uu uga jawaabayo su’aalaha iyo waxyaabaha uu xoogga saarayo , sida aqoonta dheeraadka ah, ama khibrada uu u leeyahay (work experience) iyo inuu yahay mid shaqo-wadaag leh (team-player) iwm.

Sidoo kale waxa uu aqoonyahanku ku booriyey dhalinyarada inay gartaan masuuliyada ka saaran waddankooda iyo inay noqdaan muwaadiniin wanaagsan (good citizens) oo si buuxda uga qayb-qaataan horumarka waddanka kana shaqeeyaan sidii ay u xoojin lahaayeen dhaqanka wanaagsan iyo dhiirigelinta bulshada. Ugu dambayntii wuxuu Dr. Adam dhallinyarada ugu baaqay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha waddada Ceerigaabo iyo kuwa kaleba.

Wuxuu Dr. Adam ku soo gunaanaday hadalkiisii in ay farxad wayn u tahay in ay dhalinyaro badan oo kale ka codsadeen in uu ugu celiyo tababarkan oo kale.

Haddaba haddii aad doonayso inaad ka soo qayb gasho tababarka soo socda (next training session) isa soo diiwaan geli adoo codsi ku soo diraya emailkan:

qaraamiuk@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *