Nairobi(Araweelo News Network) Madaxda Dalalka Bariga Afrika, ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada Cudurka Ebola, kaas oo waqtigan u muuqda

 

mid xaaladiisu kasii darayso. Kadib narkii la xaqiijiyay in ay u dhinteen Cudurkaa dad gaadhaya 2,461, isla markaana ay waqtigan xaadirka ay qabaan oo uu haleelay tiro gaadhaysa 4,985, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WHO.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ku d dhaleeceeyay Beesha Caalamka sida aanay dedaal baddan u gelin sidii cudurkaa looga hortegei lahaa, isagoo xusay in haddii Cudurka Ebola ka dilaaci lahaa Yurub iyo Maraykan dedaal intan ka baddan ay samayn lahaayeen. Sidaa awgeed wuxuu ugu baaqay wadamada Afrikaanka ah in ay isku tashadaan oo aanay waxba ka sugin Yurub iyo Maraykan.
MadaxweyneUhuru Kenyatta, waxa uu sheegay in $ 1,000, 000 dolar ah uu ugu deeqayo dalalka uu Cudurku saameeyay ee galbeedka Afrika.

Sidoo kale Kenya, waxa ay wadaa qorshe kulan la doonayo in Dalalka Afrika kaga wada hadlayaan sidii qorshe midaysan looga yeelan lahaa Cudurkaa, isla markaana ay dalalka Afrikaanku isku kaashan lahaayeen, waxaana kulanka Dawlada Kenya hormoodka u tahay ee lagaga hadlayo Cudurka Ebola, ayaa lagu wadaa in ay maalinta beri shir ka dhacaya dalkaa laga soo saaro go’aamo la xidhiidha sidii qorshe midaysan ay uga yeelan lahaayeen wadamada Bariga Afrika cudurka Ebola.

Dallka Bariga Afrika ee ay Kenya hormoodka u tahay, ayaa ka mid ah wadamada uu saamaynta ku yeehsay Cudurka Ebola eek a dilaacay galbeedka Afrika. Kadib markii uu saamayn ku yeeshay Dhaqaalaha Dalka Kenya oo la joojiyay Diyaaradaha isaga gooshi jiray Dalalka galbeedka Afrika iyo Bariga Afrika, iyadoo aanay joojinta Duulimaadka Diyaaraddaha keli ku ahayn ee ay waddamo badan dunida ah iyo Afrikaan ah ay qaateen go’aankaa.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay ayaa kulan lagaga hadlayo Cudurka Ebola ku yeeshay xarunta Qaramada Midoobay, waxaana kulanakaa lagu sheegay inuu yahay mid qaylo dhaan ah oo Haya’ddaha Caalamiga ah, dunida kale iyo dalalka dhaqaalaha ku horumaray loogu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xaaladda khatarta ah ee Ebola oo lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu cabsida badnaa ee soo mara Taariikhda inta la ogyahay.

David Nabarro oo ka mid ah Madaxda Haya’dda Caafimaadka Aduunka ee World Health Organization ee loo soo gaabiyo (WHO), ayaa sheegay in xaaladda Ebola tahay khatar weyn oo aan ahayn sidii la filayay, isla markaana loo baahanyahay in laga hortago.

Sarkaalka u hadlay WHO, wuxuu sheegay in ilaa hadda ay u dhinteen dad gaadhaya 2,461 sanadkan oo keliya, isla markaana ay xaalada Ebola la liitaan tiro gaadhaysa 4,985. Sidaa awgeed waxa ay  sheegtay WHO, in loo baahanyahay $1bn oo lacagta Maraykanka ah, taas oo u dhiganta (£618m), si loola dagaalamo in aanu Cudurka Ebola sii fidin.

Dhinaca kale Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in ay u dirayso Liberia  3,000 oo ka mid ah ciidamadeeda si ay u caawiyaan dadka sidii looga hortegi lahaa cudurkaa, kuwaas oo la shaqaynaya Hay’addaha Caafimaadka, isla markaana bixinaya tababaro la xidhiidha daryeelka dadka qaba Cudurka Ebola.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *