1xirsi1 wadadaHargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka

 

Wasaaradda Warshadaha  Abiib Diiriye Nuur, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga  Bashiir Cabdi Xariir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa maanta kormeer ku tegey Wadada isku xidha Wajaale iyo Kala baydh oo 12 KM oo dhismiheedu socday mudooyinkan, balse ay ka hadhay 6Km.
wadada wajaale1
Wadada oo 18Km ah waxa maanta balanqaaday in la dhameeyo 6KM oo  ka hadhay xukuumadda oo balan qaaday in ay 2KM, halka 1KM oo kalena ay qaadatay Dawlada Hoose ee Gabiley, 1KM na uu qaatay Ganacsade Jaamac Omaar, 2KM ee soo hadhayna ay qaateen ganacsatada iyo maalqabeenada Degmada Wajaale oo kulan balaadhan oo lagu qaybsaday kharashka ay ku kacayso labadaa 2KM ku qabtay Bile Hotel oo ay ganacsatadu kaga dhawaaqeen qaadhaan ka qof walba uu ugu deeqay  dhamaystirka wadadaa.

wadadakalabaydh1

Sidoo kalena waxa uu wasiirka Madaxtooyadu xadhiga ka jaray wadada halbawlaha u ah degmada Wajaale oo laga hirgeliyey magaalada gudeheeda oo noqonay wadadii u horaysay ee Laami ay yeelato Magaalada Ganacsi ee Wajaale, iyadoo ay dhamaystireen wadadaa golaha deegaanka iyo Gudida horumarinta degmada.

Wadadaa oo ah mid qiimo weyn ugu fadhiday degmada marka loo eego dhibtii ka haysatay gaadiidka xamuulka ah sida iyo kuwa yar yar ee raaxada oo magaalada dhexdeeda ku gadoomi jiray ama ku dhici jiray iyaga oo raran ama aanay u gudbi Karin halka ay rabaan marka uu roobku da’o, taas oo dhib weyn ku ahayd ganacsiga degmada oo runtii ah illaha ugu muhiimsan dalka marka laga hadlaayo dhaqdhaqaaqa ka jira wajaale oo ah xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, isla markaana ah Suuq ganacsi oo u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Xubnaha wefdiga Wasiiradda oo ay weheliyeen maayarka Gabiley iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ay u soo kicitimeen dhinaca Gabiley iyaga oo isla markaana intaanay soo gaadhin gabiley ay soo kormeereen ceelasha biyaha laga qoday ee la doonayo in degmada wajaale ay noqoto degmo ay gaadhaan biyo xareed ah oo weliba saddex jeer ka macaan biyaha ay gobolada kale cabaan kuwaas oo laga qoday meesha la yidhaahdo Botorta, iyadoo dhuumihii gayn lahaa wajaale  ay hada marayaan meel dhexe lana filayo in ay  dhawaan gaadhaan Dhuumaha Biyuhu Magaalada Wajaale, taas oo soo af-jari doonta baahidii biyo la’aaneed ee ka jirtay wajaale.
Mashruucan Biyaha Wajaale waxaa gacan wayn ka gaysatay xukuumada uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *