Golaha Wakiiladda Somaliland Oo Diiday Inay Kalsooni Siiyaan Xubin Ka Mid Ah Gudida Cadaaladda Oo La HorgeeyayHargeysa(Araweelo News Network)Golaha wakiilada oo la horgeeyay maanta Laba xubnood oo ka mid noqonaya gudida Cadaaladda si ay ugu codeeyaan ayaa diiday in ay kalsooni siiyaan mid ka mid ah

labadaa xubnood.
Gudoomiyaha Golahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo gudoominayay fadhiga oo ay kasoo xaadireen 45 mudane ayaa ku wargeliyay golaha in cod loo qaado labada xubnood ee loosoo gudbiyay oo kala ah Shariif Ibraahim Cumar iyo Cali Axmed Maygaag.
Xoghayaha Golaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka hor intii aan labadaa xubnood ee gudida Cadaaladdu usoo gudbiyeen goluhu u codayn, wuxuu madasha ka akhriyay waaya-aragnimadood iyo aqoontooda.
Markaa ka dib waxa golaha cod loo weydiiyay labadaa xubnood, kuwaas oo ay mudanyaashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xubin ka mid ah Gudida cadaalada iyaga oo xubin kalana dib u celiyay.

45 mudane ayaa cod aqlabiyad ah  ku ogolaaday  Shariif Ibraahim Cumer in uu xubin ka ahaado gudida cadaaladda, mana jirin cid diiday iyo cid ka aamustay , gudoomiyuhuna ma codayn sidaana waxa ku ansaxday xubinimadiisa gudida cadaaladda .

Hase yeeshee xubinta labaad oo ahayd  Cali Axmed Maygaag ayaa waaway in uu kalsooni ka helo glaha, waxaana ogolaaday 14mudane , halka 28 mudane diideen, isla markaana ay ka aamuseen 3 mudane, iyadoo aanu gudoomiyuhu codayn sidaana waxa uu ku waayay inuu ka mid noqdo gudida cadaaladda , waxaana xubintaas Goluhu dib ugu celiyay gudida garsoorka cadaaladda iyo xuquuqul insaanka ee golaha wakiilada Somaliland.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *