Waa Kuma Ganacsadaha Watay Wefdiga Yaman Ee Xukuumadda Somaliland Ka Qaylisay Xaqiiqda Ujeedada Booshadiisa Hargeysa Warbixin Carraale M. JamaXukuumadda Somaliland ayaa si weyn u dhibsatay shaacinta xoggo iyo macluumaad dheeraad ah oo laga helay ujeedada booqashada Wefdi gadhwadeen u ahaa Ganacsadaha Caanka ah ee u dhashay dalka Yaman Shaher Abulhak, kaas oo

 

wefdi uu hogaaminayay booqasho gaaban oo saacado qaadatay ku yimaadeen Xarunta Caasimada Hargeysa ee Somaliland todobadkan.

Wefdiga uu hogaaminayay Ganacsade Shaher Abdulhak oo watay diyaarad khaas ah waxay kulan la yeesheen Madaxweyne Siilanyo iyo sidoo kale qaar ka mid ah xubnaha ugu awooda badan golaha wasiiradda, kuwaas oo la rumaysan yahay inay booqashada wefdiga iyo socdaalkooda Somaliland ee xilagan ku lug lahaayeen. Kadib markii Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo safar kaga maqnaa dalka lagu war helay , isagoo hor boodaya wefdiga ganacsatadaha  Caanka ah ee u dhashay Yaman hogaaminayay.

Qoraal kooban oo Madaxtooyadda  Somaliland kasoo saartay kulankaa, waxay wefdiga ku sheegtay inay yihiin ganacsato uu hogaaminayo maalqabeenka u dhashay Yaman iyo xubno ka tirsan xukuumadda dalka Yaman oo ujeedada booqashadooda Somaliland tahay fursado ganacsi iyo maalgashi inay ka eegtaan Somaliland, “Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta qasriga madaxtooyadda ku qaabilay nin Ganacsade ah oo weyn oo la yidhaahdo Shaayo Cabdul-xaaq lagu magacaabo oo dalka Yeman u dhashay iyo wefti sare oo ka socda dawladda Yeman iyo Ganacsato kale oo uu Hoggaaminayo, ujeedada weftigaasi ay u socdeen ee ay dalka u yimaadeen waxay ahayd sidii ay u indho indhayn lahaayeen dalka, iyagoo damacsan inay maal-gelin ku sameeyaan dalka.” Ayuu lagu yidhi nuxurka ujeedada socdaalka wefdiga ee Madaxtooyadda Somaliland shaacisay.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda ee la xidhiidha ujeedada wefdiga iyo kuwa ay yihiin, wuxuu u muuqday mid mad madaw badani ka muuqdo, kaas oo lagu khalday magaca ganacsadaha wefdiga hogaaminayay  oo ah Shaher Abdulhak, balse Af-hayeenka Madaxtooyaddu  ku sheegay Shaayo Cabdul-xaaq. Sidoo kale Madaxtooyaddu ma sheegin xubnaha ay ku xuseen qoraalkooda ee masuuliyiinta xukuumadda Yaman  ee wefdiga ka mid ahaa kuwa ay ahaayeen, magacyadooda iyo xilalka ay ka hayaan dawlada Yaman.

Haseyeeshee Shebekaddaha wararka ee mataanaha  arraweelo.com iyo araweelonews oo helay xoggo dublamaasiyadeed iyo warar la xidhiidha ujeedada booqashada dhabta ah ee wefdiga oo kusoo beegantay xili ay xiisad colaadeed oo ka dhalatay isticmaalka Biyaha  webiga Niilku ka taagantahay mandaqada, ayaa shaacisay in wefdiga uu hogaaminayay Shaher Abdulhak  oo ah ganacsade caan ah ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay xiisada Biyaha Niilka ee u dhexaysa Dalalka Masar Iyo Ethiopia, isla markaana ay fariin ka sideen dawlada Masar, taas oo qayb ka ah loolanka xulufaysiga ka taagan mandaqada oo ay Somaliland ahmiyad weyn iyo door siyaasadeed ka ciyaari karto si ay uga faa’idaysto fursada uga bananaan arrintaa.

Sidoo kale warar kale  iyo xoggo kale oo shebekaddaha Mataanaha ah ee arrweelo.com iyo araweelonews shaaciyeen ayaa sheegayay in wefdiga ay weheliyeen  xubno u dhashay dalka Masar.

Wargeyska Hubaal oo soo xigganaya shebekadaha arraweelo.com ayaa daabacay warkaa cadadkiisii soo baxay 9 Jun 2013, waxyana taasi si weyn u cadha gelisay xukuumadda Somaliland oo dhibsatay baahinta warkaa oo ay ku dooday inuu shaki kala dhex geliyay xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, balse waxay u muuqataa inay xaqiiqdu sidaa ka duwan tahay, waxayna jawaabta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo noqotay in maanta albaabada loo xidho xarunta wargeyska Hubaal oo hore weeraro aan weli dhinacna loo jihayn oo loo aanaynayo xukuumadda lagu qaaday, balse ay fashilmeen ujeedooyinkii dhabta ahaa ee laga lahaa.

Marka laga yimaado qoraal saxaafadeedka aan nuxurka iyo xikmadda ku fadhiyin ee ka hadlayay ujeedada wefdiga Yaman, waxa is weydiin mudan waa kumma Ganacsadaha hogaaminayay wefdiga si aynu fahano ujeedada socdaalka dhabta ah ee wefdiga.

Ganacsadaha caanka ah ee Shaher Abdulhak oo ah Maalqabeen  u dhashay dalka Yeman, wuxuu dhashay 1938, waxaana  si weyn looga yaqaan  dalalka Egypt, Libya, Sudan, Yemen iyo meelo kale oo aduunka ah.

Ganacsigiisa u horeeyay  wuxuu bilaabay  1963, wuxuuna sameeyay Shirkad lagu magcaabo  Shaher Trading, wuxuu ganacsi balaadhan  ku leeyahay dalal badan oo dunida ah, sida wadamada dalalka Egypt, Libya, Sudan, Yemen, kuwaas oo uu ku leeyahay shirkadda Coca-Cola Afartaa dal. Sidoo kale wuxuu leeyahay  gancsi dhinaca dalxiiska, gaadiidka qaaliga ah sida Mercedes Benz, Wershedo iyo  shirkaddaha petrolka soo saara, isagoo saami ku leh shirkadda loo soo gaabiyo  DNO (Norwegian Oil Company), taas oo dhowaan Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno wasiiradda xukuumaddiisa oo booqasho ku tegey dalka Maraykanka heshiis la saxeexdeen.

Malqabeenka Shaher Abdulhak, maaha nin ka madhan siyaasada, waxaana lagu tiriyaa ganacsatada siyaasada dhexgala ee jecel. Dalka Yemen waxa looga yaqaan  Boqorkii Sonkorta (King of Sugar), sababtoo ah  waxay  saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweynihii hore ee dalka Yemen ee xukunka laga tuuray Cali  Cabdale Saalax, wuxuuna ganacsigiisa dhinac wadaa arrimo dublamaasiyasdeed iyo xataa iibinta Hubka, waana sababta ay Bulshada Yemen ugu baratay magacaa.

Abdulhak weligii ma bixin Waraysi  Warbaahinta uu siiyay, lamana arag sawiradiisa oo Warbaahinta Yemen may daabicin sawir uu leeyahay, balse sawirkii u horeeyay waxa la daabacay December 2009, kaas oo lagu daabacay  Wargeys laga leeyahay dalka Norwey. Kadib markii ay soo waajahday Maalqabeenka Abdulhak  fadeexad ka dhalatay wiil uu dhalay oo lagu Magcaabo Faruk  Abdulhak oo lagu eedeeyay inuu xaggaagii 2008, gabadh u dhalatay Norwey  oo lagu magcabi jiray Vik Magnussen dalka Britain ugu geystay Kufsi iyo Dil, taas oo saamayn weyn ku yeelatay Ganacsade Abdulhak oo lagu eedeeyay inuu wiilkiisa u dhoofiyay dhinaca dalka Yemen si uu sharciga ugala baxsado.

Arrintaa ayaa ganacsadahan saamayn weyn ku yeelatay, iyadoo Baarlamaanka dalka Norwey la hordhigay mooshin ku saabsan gnacsigiisa iyo sheerka ama saamiga uu ku leeyahay shirkadda DNO. Laakiin waxa lagu guuldaraystay in wiilka uu dhalay sharciga la hor geeyo, iyadoo Booliska caalamiga ahi weli raadinayaan, isla markaana la rumaysan yahay inuu dalka Yemen ku noolyahay.

Abdulhak waxay warbaahinta aduunku qaadaa dhigtay xiliggaa , waxa lagu qaaday dagaal dhinaca warbaahinta ah oo la xidhiidhay dilka iyo Kufsiga wiilkiisa lagu eedeeyay. Waxa   kaloo lagu eedeeyay in uu  sanadkii 2001 xiligii uu dalka Ciraaq ka talinayay Sadam Hussen hub kasoo iibiyay, isaga iyo safiirkii Dawlada Yemen ee xiliggaa  Abidi  Al-Malek  Saeed. Sida lagu sheegay warbixin Sirdoonka Maraykanku baahisay oo  lagaga hadlayay  Maalqabeenka Abulhak  iyo doorka uu  ku leeyahay ganacsiga hubka iyo inuu dhexgalo arrimha siyaasada ee aanu ahayn oo keliya Nin ku kooban arrimaha ganacsiga.

Sidaa awgeed socdaalka ganacsade Albulhak oo ganacsi weyn ku leh dalka Masar ee xiisada ka taagan Biyaha Niilku saamaysay waxa cad in ujeedadiisa xiligan ee booqashada Somaliland  aanay ka madhnayn arrimo dublamaasiyadeed iyo fariin uu kasoo qaaday dawlada Masar oo la xidhiidha arrimaha ka taagan mandaqada, taas oo go’aanka ay ka qaadanay ay u taal Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo haddii aanay jirin siyaasado iyo mawaaqif  kala duwan oo cid gaar ah, ama koox gaari wadato. Lakiin maaha af dublamaasiyadeed inay xukuumuddu, iyadoo aan ku xisaabtamayn marxalada iyo danaha mustaqbalka qaranka ka faa’idaysan xiligga iyo marxalada meelo kele ku wareegto, isla markaana weeraro cabudhin iyo caga juglayn ah ku qaado warbaahinta madaxa bananaan.

Si kastaba ha ahaatee  Somaliland waa qaran jira oo madax bananaan, mana aha masayrkeeda iyo daneheeda inay yihiin kuwo cid loogu hamranayo oo lala gabanayo, balse waxa la sugayaa mawqifka dhabta ah ee xukuumadda Somaliland ee ku waajahan marxalada iyo waxa ay Somaliland ku goosanay.

Warbixin By, Carraale M. jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

jaamac132@gmail.com

Www.arraweelo.com

www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *