Boorama(ANN) Mudaharaadyo rabshada wata ayaa dib uga bilaabmay caawa fiidkii magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. kadib markii ay gaadheen halkaa wefdi uu hogaminayo Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo ay weheliyaan xubno wasiiro ah iyo

 

masuuliyiin kale, kuwaas oo galabta ka anbaxabaxy magaaladda Hargeysa.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in wefdiga Madaxweyne xigeenka dad cadhaysan oo ka mid ahaa kuwii mudaharaadka ka bilaabay saaka halkaa ku weerareen Huteelka ay deganaayeen, iyadoo aan si cad loo sheegin khasaaraha ka dhashay mudaharaadka rabshadaha wata ee ka socda Boorama, balse ay warar hordhac ah oo shebekada araweelonews heshay ayaa sheegaya in hal qof ku dhintay rabshadahaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen afar qof ilaa inta la ogyahay. sidoo kale dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada araweelonews khasaare  loo geystay dhismaha huteelka ay ku degeen wefdiga Madaxweyne xigeenku ee Rays.

Dadka mudaharaadaya ayaa ku doodaya inay inay ka cadhoodeen faragalin ay sheegayaan in ay Xukuumaddu ku samaysay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac, kuwaas oo  kusoo  baxay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee goboladda Dalka oo dhan ka dhacday 28 Nov 2012.

Dhinaca kale Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo maanta ka hadlay Mudaharaadyada Boorama ayaa  ku eedeeyay Xukuumadda inay faragalin ku hayso Golaha Deegaanka Saylac, mudaharaadka socdana ku tilmaamay mid ay Dadweynuhu ku muujinayaan Dareenkooda iyo sida ay u diidan yihiin fara gelinta xukuumadda ee golaha deegaanka Saylac.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *