Hargeysa(ANN)-Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo ka tirsan Gudidda Xanaanada Xoolaha iyo khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa naqdiyay eedo uu hore Gudoomiyaha Guddi hoosaadkooda Md. Siciid Maxamed Cilmi ugu jeediyey wasiirka

macdanta iyo biyaha Xuseen C. Ducaale inuu sifo sharci darro ah dalka uga raray sadex markab oo macdan ah, isla markaana cadeeyey inaan Guddoomiyaha Gudi hoosaadkaasi ku metelin Gudidooda eedaha uu u jeediyay wasiirka macdanta iyo biyaha.

Xildhibaan, Xariir Siciid Bulaalle oo daba socday eedo hore Guddoomiyaha Gudidooda ugu jeediyey wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xuseen C. Ducaale, ayaa sheegay, “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo war ka soo baxay Guddoomiyaha Gudidda xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiiladda oo aniguna xubin ka ahay  gudidaasi. Guddoomiyaha Gudidaasi wuxuu ka hadlay oo ku eedeeyay Wasiirka macdanta iyo biyaha inuu raray sadex markab oo macdan ah, isla markaana weydiiyey heshiiskii uu la galay Ha’yado caalami ah iyadoo aanu jirin baatrool aynu leenahay oo la tixraaci karaaba, isagoo ku hadlaya afka Gudida.” Isagoo raaciyey, “Guddoomiyaha Gudidaasi eedaha uu u jeediyay Wasiirka macdanta ee uu yidhi lacag buu lunsaday iyo macdan buu raray ee ku hadlayay magaca Gudidda wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiro, waxaan leeyahay afka uu ku hadlay ma aha afkii gudidda, Gudida xanaanada xoolaha iyo khayraadka dabiiciga ahna wax colaad ah oo ka dhaxaysa wasiirka macdanta iyo biyuhu ma jirto. Heshiisyadda uu galo Wasiirkuna anagu umana tagi karno mana waydiin karno oo ma odhan karno heshiiskii aad la gashay Ha’yadaasi ama wadankaasi keen, waayo shaqo aanu ku leenahay ma jirto. Wasiirku heshiiska uu galo wuxuu u gudbiyaa Golaha Wasiirrada cida kaliya ee aanu xaq u leenahay inaanu weydiinaa waa madaxweynaha. Wasiirka tallo iyo wax isku sheeg mooyaane’e wax kale oo naga dhaxeeyaa ma jirto.”

Xildhibaan Xariir S. Bulaale oo ka hadlaya sababta marka horumar loo dhaqaaqaba loo hordhigayo caqabado ayaa yidhi, “Waxaan leeyahay Guddoomiyaha Gudi hoosaadkayaga waa markii labaad ee iyadoo horumarin loo sameynayo deegaanada aan ka tirsan nahay uu geliyo khal khal. Xiligii xukuumadii hore wuxuu eedahan oo kale u jeediyay Wasiirkii Macdanta iyo Biyaha imikana wuu ku celiyay, waxaan isleeyahay waxa uu guddoomiyahagu hadalkan u yidhi wuxuu warbixin siinayaa cid kale,”ayuu yidhi.

Xildhibaan Xariir waxuu ugu baaqay Gudoomiyahooda in haduu khaladaad arko waajib tahay inuu soo hordhigo fadhi guddidu u dhan tahay, oo marka lagu qanco go’aan guddi lagu soo saaro, ugana digay inuu mar kale ku kaco talaabadaa oo kale hadaanu meel kale ku xidhnayn, “Waxaan leeyahay Guddoomiyahayagu ha ka waantoobo khaladaadka iska daba tagaya, warbixinaha uu bixinayana waanu haynaa, oo cid buu wakiil u yahay sidaan anigu qabo. Guddoomiyahayagu wuxuu xaq u leeyahay haddii uu khalad arkay inuu Guddidii inta uu u yeedho tuso khaladaadkii. Markaa iyadoo Gudidii u dhan tahay aanu tallaaabo ka qaadno,”ayuu yidhi Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle.
.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *