Boosaaso(Araweelo News Network) Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa la kulmay dagaal khasaare dhaliyay, kaas oo dhexmaray Ciidamada maamulkaa iyo kooxda ku dhuumaalaysta Buuraleyda
Gal-gala ee duleedka Boosaaso.
Sarkaal katirsan maamulka Puntland ayaa qiray in dagaalkaa oo maanta dhacay, isla markaana socday saacado badan lagaga dilay dagaalka, balse ma sheegin khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay ciidamadooda, balse warar kale oo laga helay dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Puntland lagaga dilay dagaalka 7 Askari, isla markaana lagu khasbay in ay dib uga gurtaan goobta dagaalku ka dhacay.
Dagaalka ayaa ka dhacay kadib markii Malayshiyada uu hogaamiyo wadaadka lagu magcaabo Sheekh Attam ay jidgooyo u galeen kolanyo baabuur ay wateen ciidamada Puntland oo ka baxay Magaalada Boosaaso, isla markaana usii jeeday dhinaca Buuraleyda.
Malayshiyada uu hogaamiyo Maxamed Attam ayaa hore u sheegay in ay ku biireen Ururka Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Ururweynaha Al-Qaida.
[…] the Puntland administration to invest in mining and other resources, took control of the region. Sheikh Mohammed Attam who, in 2015, publicly announced that he had joined the al-Qaeda-linked Al-Qaeda affiliate in […]
[…] there is a group in the area belonging to Al-Shabaab, But they declared years ago that they have joined ISIS, which carry out bombing attacks and […]