Hargeysa(ANN)Wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa inay ilaa hadda ku mashquulsan yihiin qiimaynta iyo odorashka dakhliga guud ee dalka soo geli kara sannadka 2011. Sidaa awgeed aanay xukuumaddu waqtigan sheegi karayn dakhliga guud ee dalka iyo inta la

kordhin karo mushaharooyinka, wuxuuna  xusay inay ilaa toban maalmood gudahood ku ogaan doonaan xadiga mushahar ee shaqaalaha iyo ciidammada loo kordhin karo.
Wasiirka maaliyadda Somaliland oo shalay ka hadlay barnaamij wasaarada warfaafintu soo diyaariso oo la yidhaahdo ‘Maqal-dadkaaga.’ Oo lagu qabtay shalay xarunta telefishanka Qaranka, waxa uu ka jwabaay su’aalo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha iyo dakhliga ee xukuumadda cusub, kuwaas oo ay dadweynaha madasha fadhiyay si furan oo toos ah u weydiinayeen.
Eng. Maxamed Xaashi wuxuu ka dhawaajiyey inay dhameeyeen tirakoob lagu sameeyey guryaha caasimadda Hargeysa, isla markaana ay hadda bilaabeen diwaangelinta shaqaalaha kala duwan si looga qaado cashuuraha ku waajibay, isaga oo carabka ku dhuftay in cashuurta la saari doono ilaa koobka shaaha ah ee la cabo si dakhliga dalka loo kobciyo, sidoo kale waxa uu xusay inay cashuur-dhimis u sameeyeen shirkadaha iyo ganacsatada si  ay iyaguna uga qaybqaataan horumarka dalka.
“Horta laba qolo ayaa suuqa ku murma oo kala ah kuwii u soo kalihi jiray dhaameelka ay qaadan jireen ee shidaalka iyo lacagaha iska qaadan jiray ee aanu ka jarnay iyo kuwo aniga (Maxamed Xaashi) I taageersan oo leh khasnadihii way buuxaan oo wax walba waa la hayaa, midhna waan idiin sheegayaaye horta kuwii dhaameelka waanu ka jarnay oo waxba ma siino, kolaygii jaadkuna wuu na tabayaa oo badan kayagu maba qayilno,” ayuu yidhi wasiirka maaliyadu, isagoo ka hadlaya su’aal ku saabsan dareenka shacabka ee xiligan dhinaca suuqyada ganacsiga iyo waxyaabaha laga dareemayo, ama doodaha ka dhashay arrimahaa. 
Waxa wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi sheegay in marka sharuucda dalka u yaal laga leexdo ay dhibaatooyin badani yimaadaan, isaga oo xusay in dadweynuhu yihiin awooda ugu saraysa ee dawladda ku ilaalin kara sharciga, waxaanu sheegay in dadweynaha looga baahan yahay sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen toosinta iyo haggaajinta dawladda ay doorteen oo wixii sax ahna lagu taageero, khaladkana laga qabto.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu sheegay in mudadii ay xilka hayeen wax badan dalka ka qabteen, balse ay jiraan dad aragti qaldan dadka qaar ka aaminsan yihiin wax qabadka, wuxuuna isagoo taa sharaxaad ka bixinaya yidhi,  “Dadka qaar ayaa kuu imanaya oo odhanaya maxaa naloo qabtay, waxaad moodaa in dadku qalad ka fahmeen wixii xukuumadda loo soo doortay, maaha in hebel iyo hebel wax loo qabto ee waa in dalka wax loo qabto, waxaad moodaa in dadku ilaaween in dalka wax loo qabto. Madaxda qudhooda qaar ka mid ah ayaa isku taxalujiya hebel maxaa loo qabtay, markaa waxaad moodaa halkaa waxoogaa in khalad ku jiro.”
Wasiirka maaliyadu waxa uu si weyn u dhaliilay deeqaha la sheego in Somaliland lagu caawiyo, kuwaas  oo uu sheegay in aanay dalka iyo dadka waxba ka soo gaadhin, isaga oo dadweynaha ugu baaqay inay isku tashadaan oo wax qabsadaan si looga kaaftoomo caawimooyinka dibadaha iyo Ha’yadaha laga sugo, wuxuuna isagoo arrimahaa sharaxaya yidhi,  “Dadkeenu marka roobab da’aan, waxaynu nidhaahnaa besha caalamku hana soo gaadho daadad baa na qaadaye, marka abaaro dhacaana gurmad nala soo gaadha ayeynu nidhaahnaa, markaa baahi badan iyo baryo badan waa la isku nacaye aynu isku tashano si aynu uga maarano kaalmooyinka…..Sanadkan dhammaaday waxay yidhaahdeen 98-milliyan oo dollar baa Somaliland la siiyey, lacagahaa shirbaa la qabtay iyo talaal iyo hudheelo Nairobi ah mooyaane ma jiro wax kale oo la taaban karo oo lagu qabtay”
Hase yeeshee Waxa uu xusay inay xukuumad ahaan  qoloda deeqaha bixiya ku wargelinayaan in deeqaha ay bixinayaan si toosa ay u siiyaan dawladda, isla markaana ay ku dari doonaan miisaaniyadda, isla markaana ay shacbigu ogaan doonaan halka ay ku baxeen iyo sida ay u baxeen iyo waxa lagu qabtay, “Waxanu ku odhanaynaa wixii aad noo haysaan nasiiya oo aanu kaantaroolo oo miisaaniyadda ku darro, si aanu u ogaano meesha ay ku baxdo” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi.
Wasiirka maaliyada oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sixir bararka doolarka, waxa uu yidhi; “lacagteenii ayaa yaraatay oo xagaa iyo Itoobiya iyo Somaliya ayay u talawday, markaa imika waxaanu bixinay qarashkii lacag cusub lagu soo daabici lahaa qabytii hore, markaa imika wuxu marayaa doolarku 5,800 Somaliland shillin ah, waanu kacayaa insha Allaah.”.
Sidoo kale mar uu ka hadlay su’aal la xidhiidhay waxa ay wax uga qaban waayeen xeerka ay Golaha wakiilladu ku doonayaan inay ku korodhsadaan mushaharooyinka, waxa uu sheegay inay goluhu sharci u leeyihiin inay iyagu sameeyaan shuruucda dalka isla markaana wasaarad ahaan aanay awood u lahayn inay ka horyimaadaan sharciyada ay goluhu baas gareeyaan “Sharciyan iyagaa leh sharci samaynta, markaa wixii ay yidhaahdaan uunbaa la arkayaa haddii la hayo iyo haddii kaleba, markii hore waxay ahayd xeer baa qeexi, laakiin imika haddii ay xeerkii sameeyaan waa wax wanaagsan” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Somaliland Md Maxame Xaashi Cilmi.
Barnaamijka noocan ah ee masuuliyiinta xukuumadda fursada u siinaya inay dadweynuhu si furan oo toos ah u weydiiyaan su’aalaha la xidhiidha shaqooyinka masuuliyiintaa ayaa dhowaan lagu soo kordhiyay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, isla Markaana wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi  ayaa noqonaya wasiirkii u horeeyay ee sidan oo kale ay dadweynuhu si toos ah u weydiiyaan waxyaabaha ay doonayaan inay ka ogaadaan hawsha uu qaranka u hayo. Iyadoo talaabada noocan ah ay rayal caamka bulshadu si weyn usoo dhoweeyeen.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *