Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo) ayaa saaka kumanaan dadweynaha Magaalada Hargeysa ah kala qayb galay salaadii ciidal Odxa, waxaana Guud ahaanba magaalooyinka waaweyn  ee dalka iyo waliba degmooyinka Somaliland

 si weyn looga xusay munaasibada ciidul Odxaha oo maanta ku beegnayd.
Boqolaal ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha iyo masaajidada waaweyn si ay  u tukadaan salaada ciida. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hor kacayay masuuliyiin sarsare oo ka mid ah xukuumadiisa iyo waliba xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa Salaada kala qayb galay Masjid Al-xoriya oo  ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa  ee 26-ka June, kaas oo uu dhisay ganacsade Ibraahim Dheere.
 Madaxweynaha ayaa markii ay dhamaatay salaadu hadal kooban oo uu dadka u soo jeediyay ku baraarujiyay inay nabada ilaaliyaan,  isla markaana dedaalkooda isugu geeyaan sidii aanay nabadu faraha uga bixi lahayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland oo ku dhex taalo mandaqad ay colaado ka hurayaan, shacabkeeda looga baahan yahay in ay ilaashaadaan Waxaanu madaxweynuhu dhamaanba shacabka reer Somaliland uu gaadhsiiyay dhambaal hambalyo ah oo ku aadan munaasibada Ciidul Udxaha.
 
Madaxweyne Siilaanyo  waxa uu illaaahay uga baryay shacabka in sanadkan kiisa dambe uu ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.
 
Md. Siilaanyo ayaa la filayaa in uu dhawaan socdaal ugu baxo wadamada Ethiopia iyo Ingiriiska, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xidhiidhada dalalkooda, isagoo  martiqaadyo rasmi ah ka helay wadamadaa, waxaana jira warar sheegaya inuu Madaxweynhu safarkiisa bilaabyo maalmaha soo socda.  
 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *