Muqdisho(ANN)Baarlamaanka dawlada taagta daran ee Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Raysal wasaaraha cusub ee Somalia oo uu dhowaan magcaabay Madaxweyne Shariif. Kadib markii lasoo gaba gabeeyay khilaafkii u dhexeeyay
Hogaanka Dowladda KMG ah iyo Baarlamanka ee ka dhashay qaabka loogu codaynayo Raysal wasaaraha.
Fadhi muhiim ahaa oo ay xildhibaanada baarlamankaSomalia maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay codka kalsoonida si aqlabiyad leh u siiyeen R/wasaare Max’med C/laahi Farmaajo.
Gudoomiyaha baarlamanka shariif Xasan Sheekh Aadan oo maalmahan khilaaf kala dhexeeyey madaxweynaha ayaa maanta fadhigga gudoominayay, wuxuuna mudanayaasha ka hor sheegay in qaab gacan taag ah lagu meel mariyo R/wasaaraha cusub.
Ka hor Intii aanu kulanku furmin ee aan Raysal wasaaraha loo qaadin codka kalsoonida waxaa hadlay Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Shakuur oo hogaaminayay Xildhibaanadii diidanaaa in Raysal wasaaraha qaab gacan taag ah loo ansixiyo.
C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa madasha ka sheegay in uu ka noqday mucaaradadii uu u hayey Raysal wasaaraha si meesha looga saaro muranka iyo is mari waaga hogaanka dowladda.
Ugu dambeyntii Raysal wasaaraha cusub Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), waxaa ansixiyay 297 cod, halka 92 cod diideen, iyadoo ay ka aamustay 2 mudane, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Adan.
Ra’iisal wasaaraha cusub oo uu hore u magacaabay Madaxweynuhu, waxaa cod u qaadistiisa ka dhashay khilaaf aad u weyn oo baarlamaanku ku kala qeybsamay in codku ahaanayo gacan taag iyo in uu ahaanayo qarsoodi.
gacantaag mudanayasha wata oo uu horseed u ahaa Madaxweynuhu ayaa waxay dagaal siyaasadeed la galeen kooxda wadatay codka qarsoodiga oo uu horkacayay Guddoomiyaha Baarlamaanku.
Guddoomiyuhu wuxuu ku doodayay in gacantaagga ay weydiisteen xubno ka tirsan baarlamaanka, sida xeer hoosaadku qabana tooda la raacayo.
Dhinaca kale Raysal wasaaraha la ansixiyay ayaa waraysi uu siiyay Idaacada VOA laanteeda Af-soomaaliga ku sheegay inuu sida ugu dhaqsaha badan usoo dhishi doono dawlad ka duwan kuwii hore, isla markaana uu wax ka qabanayo dhinacyada nabadgelyada, horumarka iyo dib u heshiisiinta.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380