Boosaaso(ANN)Wararka ka imanaya Magaaladda Boosaaso ee Xaruunta Gobolka bari ayaa Sheegaya in lala beegsaday Qarax Wasiirka Warfaafinta Maamul Goboleedka puntland Cabdixakiim Axmed Gulleed,  islamarkaana

 waxaa la sheegay in uu kasoo gaadhay dhaawac Fudud.
Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdixakiim Axmed Guuleed ayaa gaadhigiisa oo  Nooca Laanguraasalka loo yaqaan lala beegsaday Qarax Rumuud Kaantaroola,  isagoo  xiligaa marayay  Masjidka  Faadumo ee Magaaladda Boosaaso, Qaraxaa  ayaa Waxaa la sheegay in uu dhaawac kasoo gaadhay Wasiirka Warfaafinta.
Sidoo kale Ilaalada Wasiirka Warfaafinta ayaa Waxaa la sheegay in uu dhaawacyo kala duwan kasoo gaadhay Qaraxaas,kuwaas oo la geeyay Cusbitaalka  Guud ee Magaaladda Boosaaso.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Waa Markiiba isku gadamaay Ciidamada Amaanka ee Magaaladda Boosaaso waxeyna halkaa ka bilaabeen  baadhitaan ku saabsan sababihii keenay qaraxa lala beegsaday Wasiirka warfaafinta.
Ilaa  hada lama garanayo cida dhabta ah ee ka dambeysay qaraxa lala beegsaday Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Puntland Wuxuuna qeyb ka noqon doona Qaraxyada iyo dilalka loo geysto Masuuliyiinta maamul Goboleedka Puntland.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *