Hargeysa (ANN)-Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Cismaan Qaasin Qodax ayaa caawa fiidkii ku geeriyooday guriisa oo ku yaala magaalada Hargeysa. Ka dib markii maalintii Jimcihii laga soo celiyay dhica dalka Djabuuti oo loo qaaday Cusbitaal todobaadkii hore. Si loogu soo daaweeyo.


Alla haw naxariistee Marxuum Cismaan Qaasin Qodox ayaa Cusbitaalka Adna Hosbital loola cararay. Ka dib markii uu dhiig ku furmay, halkaas oo markiiba deg deg loogu qaaday cusbitaal ku yaala dhinaca DalkaDjabuuti.

Hase yeeshee Marxuumka ayaa ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa . Ka dib markii maalintii Jimcihii dib loogu soo celiyay Dalka. waxaana Marxuumka maata lagu aasi doonaa xabaalaha Naasahablood ee magaalada Hargeysa.

Marxuum Cismaan Qaasin wuxuu ka mid ahaa dhalinyarii aqoonyahanka ahayd ee Ururkii SNM, wuxuuna ka mid noqday xubnihii golaha dhexe, isagoo kasoo jeeday Qoys Maalqabeen ah, isla markaana Aabihii Qaasin Qodax oo ahaa ganacsade weyn wuxuu ka mid ahaa Afartaneeyo ganacsato, Odayaal, Aqoonyahan iyo shaqaale oo dawladii Maxamed Siyaad Barre ku xasuuqday magaalada Burco 1984, iyadoo lagu eedeeyay inay taageero siiyaan Ururkii SNM.

Marxuum Cismaan Qaasin wuxuu ka mid ahaa xubno wasiiro ah oo madaxweyne Riyaale xilal u magcaabay waxyar ka dib doorashadii golayaasha deegaanka somaliland 2002, isagoo ka tirsanaa garabkii Ururkii Asad eek u biiray xisbiga UDUB, markii ay ku hadheen tartankii Ururada Siyaasiga ee xisbinimo u gudbi waayay, isla markaana wuxuu ka mid noqday golihii wasiirada ee uu madaxweyne Riyaale soo dhisay markii uu ku guulaystay doorashadii 2003. Wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay mudadaa Wasaaradaha hawlaha Guud, Caafimaadka iyo ganacsiga oo uu markii ugu danbaysay hayay. Ka hor intii aan xilka laga qaadin dhamaadkii 2009-kii.

Allahaw naxariistee taariikh nololeedkii marxuumka waxanu kusoo gudbin doonaa qoraalo danbe. Waxaana dhamaan hawlwadeenada shebekada Araweelonews. Waxay tacsi u diraysa dhamaan shacbiga Somaliland eheladii, qoyskii iyo asxaabtii uu kabaxay marxuumku Inaa Lilaah wa Inaa Ilayhu Raajiciin

By, Carraale M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *