Hargeysa (ANN) Wasiirka Macanta iyo Biyaha Somaliland Eng. Xuseen Axmed Ducaale, ayaa ka dayriyay biyo yaraanta magaalada hargeysa, isla markaana wuxuu xusay in xukuumada cusubi aanay dakhliga soo gala waxba kaga qaban karin biyo balaadhinta magaalada caasimada,
sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in loo helo maal gelin dibadeed oo lagu hirgeliyo qorshaha balaadhinta Biyaha.
Eng. Xeseen wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta Booqasho ku tagay ceelasha biyaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo kormeerkaa ay ku weheliyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Axmed Ibraahim Suldaan, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis iyo saraakiil ka tirsan wasaardda macdanta iyo Wakaaladda Biyaha.
“Ceelasha Biyaha ee magaalada Hargeysa waraabiya, runtii, Anigoo aan dalkaba iman ayaan aad u ogsoonaa dhibaatooyinka dalkan ka haysta dhinaca Biyaha oo ay ugu weyn tahay magaalada Caasimada Hargeysa oo ay ku nool yihiin hal Malyan oo qof. Kormeerka maantuna wuxuu ii ahaa indho-fur weyn iyo inaan dhibaatooyinkii laga sheekaynayay aan labadayda indhood ku soo arkay. Meereeyaha Wakaalada Biyaha Ibraahim Siyaad dhawaan ayaa loo magacaabay xilka sidayda oo kale. Mudadaasna wax badan ayuu ka qabtay karaankiisa wax allaale iyo wax uu halkaasi dhaafin karaa oo uu biyo dheeraad ah Hargeysa u soo gudbin karo ma jiraan. Sababtuna waxa weeye nidaamka Biyaha Hargeysa waxa uu ku maamulaa oo uu ka soo saaraa biyihii xadigii biyood ee ugu sarreeyay 10-ka kun ee mitir kuyuub kama badin karo, waayo dhuumihii biyuhu soo marayeen ayaa awoodoodii intaa aan la dhaafin karin. Waxa kaliya ee u furani waa inuu sii hagaajiyo qorshihii qeybinta biyaha magaalada, taas oo uu gacanta kula jiro oo uu biyihii si xaq ah u qeybiyo.” Ayuu yidhi Eng. Xuseen.
Sidoo kale wuxuu ku adkaystay in qorshaha biyo yaraanta Hargeysa ay ka baaxad weyn tahay maamulka Wakaalada Biyaha oo qudha “Sidii magaalada Hargeysa loo siin lahaa biyo ku filan waa hawl qaran oo aad u dhaafsan Wakaalada Biyaha iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha. Hargeysa markii la qorsheeyay nidaamka biyaha shacbigii ku noolaa 100 kun oo qof ayay ahaayeen imikana hal malyan ayaa ku nool, waxa loo baahan yahay maal gelin aad u faro badan oo baaxad leh, oo ay ka mid yihiin in la qodo ceelal dheeraada. In biyo kaydiye balaadhan la sameeyo iyo in dhuumahan biyaha soo qaada la bedelo. Hawsha intaas leegi waxay inooga baahan tahay maalgelinta intaas leeg, waxaynu ognahay in dawladeenani tahay dawlad sabool ah oo cusub, mushaharooyinkii shaqaalaha ayaan weli bilaha qaarkood la siinin. Dedaal kasta haddii ay muujiso uma malaynayo in dakhliga soo galaa inooma dhisi karo mashaariicda boqol milyan oo Dollar gaadhi kara ee biyo balaadhinta Hargeysa,”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu wuxuu sheegay inuu doonayo maal gelin dibadeed oo lagu fuliyo biyo balaadhinta Hargeysa, waxaanu xukuumada ugu baaqay inay dhaqaale uga qoondayso miisaaniyada qaranka biyo balaadhinta Hargeysa.
Wasiirku wuxuu sheegay markii uu xilka qabtay inuu ka fikirayay sidii baatroolka iyo macdanta dalka u soo saari lahaa, hase yeeshee wuxuu xusay in arrintaasi uu faraha ka qaaday markii uu ogaaday in baahida ugu darani ay tahay dhinaca Biyaha.
Waxa kale, oo uu sheegay in gobolada kale ee dalkana wax looga qaban doono dhinaca horumarinta biyaha.
Dhinaca kale, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Somaliland Ibraahim Siyaad Yoonis oo isna ka hadlay kormeerkaasi wuxuu yidhi “22 cisho ayaan maamulka wakaalada biyaha Hargeysa joogay, kollay waad dareemaysaan culayska biyaha Hargeysa wax walba way ka duwan tahay, waayo biyaha aynu u hayno iyo tirada ummadda ku nool ayaa aad u kala balaadhan. Waxaa imika nala taag ah inaanu dedaal wixii aanu qaban karno qabano. Shaqaalihii biyo soo saarka oo aan jimce iyo fasaxtoona lahayn inaan daryeelkooda ku dedaalo ayaan go’aansaday inaan mudnaanta koowaad siiyo waxaanan amar ku bixiyay in shaqaalaha biyo soo saarka la siiyo xaqul ciid. waxaanu diranay mishiin weyn oo imika noo soo socda. Sadex ceelna waanu qodanay oo maanta kii u dambeeyay lagu xidhayay daynabadii.”
Maareeyuhu wuxuu sheegay in dedaal kasta oo ay sameeyaan aanay wakaaladda biyuhu balaadhin karin biyaha Hargeysa, hase yeeshee ay u baahan tahay qorshe weyn oo qaran oo ay ku baxayso dhaqaale aad u badan, taas oo wasiirku qiray inay tahay hawl balaadhan.
Biyo yaraanta Magaalada Hargeysa ayaa dhawr iyo tobankii sanadood ee ugu dambeeyay ahaa sheeko inta badan la hadalhayo, balse aan weli xal laga gaadhin, waxaana jira boqolaal qoys oo iyagu aan helin Biyo nadiif ah oo ay cabaan, kuwaas oo ku nool xaadaha qaar ka mid ah magaalada hargeysa, waxayna xaaladu u muuqataa mid maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa, iyadoo ay soo badanayaan bulshada ku nool magaalada, isla markaana isticmaalka Biyuhu sii kordhayo, balse aanay jirin wax ku soo kordha Biyaha.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380