Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ay hogaaminay kaaliyaha  xoghayaha wasaaradda Arrimaha debeda ee Denmark . kulankaa oo aanay  saxaafdu goob jog ka hayn ayaa laga soo saaray

 kulanka kadib qoraal ku saabsan waxyaabihii ay madaxweynaha iyo wefdigu ka wada hadleen.  Qoraalkaa oo kasoo baxay qasriga madaxtooyada wuxuu u qornaa sidan;-
“Weftigan oo ay Hogaaminayso Ms. Sus Ulbæk Kaaliyaha Xog-hayaha Wasarada Arrimaha Debeda ee Denmark,  ugu horaynba waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Xaalada Guud ee dalka waxaanu madaxweynuhu weftiga si mugleh u dareensiiyey heerka ay maanta taagan tahay Somaliland oo uu sheegay in ay Dawladnimadeedu kaamil tahay.
Madaxweynuhu wax uu Weftiga uga waramay Jidka Dheer ee ay Somaliland u soo martay in ay halkan soo gaadho iyo sida ay u xaqiijisay nabad gelyada iyo Dhismaha Qaran ku dhisan hanaanka Dimuqraadiyada, waxa kale oo uu madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ka samaysay ladagaalanka Budh-cad badeeda iyo sida ay Xukuumadu diyaarka ugu tahay in ay Beesha caalamka kala shaqayso Nabad gelyada Mandaqada oo dhan.
Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay kaalmada ay Somaliland uga baahan tahay Caalamka oo ay ugu horayso in ay Beesha caalamku Gacan ka gaysato Dadaalka ay Somaliland ay la timid.
Madaxa Weftiga Ms. Sus Ulbæk oo ah  Kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debeda ee Wadanka Denmark  ayaa Somaliland ku amaantay sidii wanaagsanayd ee ay u dhacday Doorashadii Madaxweynaha ee Dhawaan Dalka ka qabsoontay oo ay  Madaxweynaha ku Hambalyeysay.
Ms. Sus Ulbæk waxa ay Madaxweynaha ku wargelisay in ay Dawladeedu Diyaar u tahay in ay Dawlada Somaliland toos ula dhaqanto oo ay maanta wixii ka danbeeya kaalmada ay siinayso toos u soo marin doonto Dawlada Somaliland ee aanay sidii hore u dhici jirtay aanay u soo marin doonin Hay’adaha Sama Falada.
Ms. Sus Ulbæk Kaaliyaha Xog-hayaha Wasarada Arrimaha Debeda ee Denmark waxa kale o ay Sheegtay in ay Somaliland ka caawin doonto Dhinaca Nabad gelyada, Maamul wanaaga iyo Geedi socodka Dimuqraadiyada waxaanay Sheegtay in ay Dawladeedu u aragto in ay Somaliland ku dayasho mudan tahay marka la eego sida ay nabad gelyada u xaqiijisay iyo Sida ay u korayso Dawladnimadeeda ku dhisan Hanaanka Dimuqraadiyadu.
Weftigan oo Dalka ku jooga Socdaal Laba Maalmood qaadanayaa waxa ay kulamo la yeelan doonaan inta ay joogan Dalka Wasiirada Wasaaradaha, Khaarajiga, Maaliyada iyo Qorshaynta.
Dhinaca Somaliland waxa kulankan Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasirka Arrmaha Debeda  Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo  Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Dhinaca Weftigana waxay kala ahaayeen:-
1. Ms. Sus Ulbæk. Kaaliyaha Xog-hayaha Wasarada Arrimaha Debeda ee Denmark
2. Ms. Anne Ehrenreich  Head of Department MoFA, Denmark
3. H.E. Geert Aagaard Andersen, (new) Ambassador to Kenya (GAA)
4. Mr. Thomas Thomsen, Chief Adviser, MoFA Denmark
5. Mrs. Betina Gollander, Counsellor Development (BG)
6. Ms. Pernille Mortensen, 1st Secretary, Embassy of Denmark, Addis Ababa.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *